|

Gothenburg, Sweden
”Damiirqabayaalkii
shalay Daneysteyaalkii maanta!”
Waxaa qortay;
Ikraam Cali-kaar
Ma aheyn wax
farqi u dhaxeeya shalay iyo maanta markey damiirqabayaalkii Embagthi
iyagoo xamaasadeysan ay codkooda kalsoonida u diideen, Ra’iisal
wasaaraha siyaasad baradka ah ee ina Geedi, ee waxey aheyd mid markey
iska dhax waayeen xildhibaanadaasi magacyadooda iney caroodeen oo
ay sheegeen in waxa Geedi ku dhaqaaqay aaney aheyn mid caqliga yeello.
Maanta oo aan muddo sidaasu u dheereyn kasoo wareegtay leyligii
adakaa ee Geedi loo diray waxaa la filayey inuu si fiican indhihiisa
u furi doono qalinkana u wax badan ku sixi doono.
Hase ahaatee
lafilanmeyn inuu ”Qaladkii shalay ku saxo qalad kale”.
Si kastaaba ahaate cod bixintii maanta loo qaaday dowlada dibad
joogta ah iyo” Sidii xilkasnimada laheyd” ay ku siiyeen
cod aqlibiyad buuxda Ra’iisal wasaare Geed waxey aheyd mid
calaamad su’aal badan ku heereysan yihiin, jawaabteedana la
sugayo iney ka jawaaban xillidhibaanada garaadka yar ee dowlada
duur joogta ah.
Dhabta hadaan
kuu sheegana sheekadaoodu maba dhaafin ”Af wax cunay xishoo”Hadaba
su’aasha mudan in la isweydiiyo”Damiirqabayaalka shalay”
Maxey dhaliileen, ma tirada 37-da wasiir baa labadnaatay mise waxey
ula ekeyd iney magacyadooda iska dhex waayeen, beelaha qaarna loo
buuxshay dambiisha, halka qaar kalena iyagoo harcad tahay la diray
sahey la’aan.
Sidoo kale ma
waxey ahaayeen wadaniyiin oo waxey ka dhii-dhiyeen qaladaadka iyo
danaha shisheeye dowladaasi lugu sheegay iney fulineyso.?? Qaladkii
shalay dhacay weli waa halkiisiye maxaa sacab iyo sawaxan loogu
ansixiyey oo soomaalinimo aan uurka jirin loogu hadaaqay??
Mudanayaasha
Baarlamaankuse ma ahaayeen kuwo u damqanaya dadka Soomaaliyeed ee
heeryaddu saaran tahay? Haddiise dowladani wax badan u socdaan xagey
dhaqaalo iyo agab ay ku shaqeyso wasaaradda macanleyda ah ka keeneysa?
Ma Itoobiya oo iminka garwadeenka u ah ayaa u soo direysa xafiisyo
qalabeysan.
Jawaabta tan
dambe u baddi maxaa yeelay shalay mudanayaasha wasiiro doonka ah
waxey meelkasta ka sheegen in Itoobiya ay tahay mida shirkan iyo
madaxdeeda meesha soo saartay. Maantase ay tahay wax layaabl eh
iney arki waayeen waxey shalay dhaliilayeen.
Isku soo wada
duuboo arrinka baarlamaanka garaadka yar iyo ina Geedi waa mid bilow
u siyaasad marrin habowsan oo taariikhda meel ka galeysa.Waqtigan
adag waxey aheyd iyadoo qeybo kamid dadka Soomaaliyeed ee ay tacadiyo
ka tirsanayeen maamuladdii dalka soomaray in la qanciyo lana raaligareeyo
dadka walaalaheen ah eer waqooyi, hase ahaatee dowlada ina Geedi
dib u heshiisiin ay sameyso iska daaye waxey sida muuqato ku socotaa
mid sii kala dileysa guud ahaan Soomaaliyadii qaranimadeedii shinkeed
galay waxna u dhintay danaha dalka.
Hubaal waxaa
ah in dowladani oo taageero weyn ka heleysa cadowga soo jireenka
ah ay mari doonto halkii tii Carte martay, maxaa yeelay maheyso
mab’da iyo soomaalinimo ay ku shaqeyso. Balse waxaa amuun
mudneyn tii Cali Khaliif oo ka dhiidhisay iney cadowga soo jireenka
ah siiso fursad ay Soomaalida ugu arimoso.
Nasiib darrase
dowladaasi lafteeda waxey xaalkeedu ku dhamaaday “Markaan
tabar haye tallo maan heyn markaan tallo hayeyna tabar maanheyn”Somaaliyana
Ilaahey baa u ah wehel oo towfiiqda waafijin doona ee intii damiir
lahow ka dhiidhiya shirqoolada dahsoon ee cadowga gaar ahaaneed!
Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
Fiiro Gaar ah: Aragtida
qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida
Somaliroots.com
|