SOMALI
HALL OF FAME
Somali
Hall Of Fame oo ah xurunta Hoyga fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed
ee Fanaaniinta Qaranka iyo kuwa Casrigan soo Caanbaxay ee ay ku soo
hirtaan waa Dukaankii ugu horeeyey ee laga furo North America iyo
yurub qaas ahaan magaalada Toronto ee dalka Canada 4 tii bishii maarso
1994kii oo ku beegneyd maalin ciid ah. Waxaana dhidibada u aasay oo
waqtigooda u huray maalgelinna ku sameeyey Furitaaanka Dukaankaas
Dhalinyaro saaxiibo ah oo kala ah:
Mohamed
Deeq Abdulqadir Abokor (Alfa)
Mohamed Osman (Malcom) iyo
Abdulqadir Ahmed Abokor (Agi).
Dhalinyaraaas
waxay arkeen baahida loo qabo Horumarinta Fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,
ayaa aad waxay ugu dadaaleen iney isku keenaan in ka baddan 1600 Cajaladood
oo isugu Jira kuwa qaraamiga iyo kuwii waayihii dambe, waxaana cajaladahaas
oo oo isu soo uririntooda waqti badan qaatay laga kala soo ururiyey
Dalal kala duwan, sida Jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan Carabta.
20 maalmood ee ugu horeeyey wuxuu Dukaanka Lahaa Magacyo kala duwan
ugu dambeyntiina waxay go aan sadeen in ay u daayaan (Somali hall
Of Fame). Hadaba soo if bixii dukaankan dad badan ayaa gacan ka geystay
, gaar ahaan waxaa xusid lama ilaawaan ah mudan:
1.
Caasha Faarax guure
2. Cabdirisaaq Aadan Gafaaje (Chief)
3. Fanaankii Cabdulqaadir Macalin Jubba
4. Fanaankii Omar yare
5. Promoter Yuusuf sheeko Xariir U.K
6. Designer Yuusuf Shiekh (Lovely)
Dukaanka
Hall OF Fame wuxuu soo saaray Cajalado badan oo muusik casri ah lagu
tumay oo ay ka mid yihiin:
1.
Albumka Wadheer ee uu ku luuqeeyo Hobalkii Hassan adan Samatar
2. Albumka Amow Idow ee uu ku luuqeeyo Fanaanki Habib sharabi
3. Albumka Istar ee uu ku luuqeeyo Fanaankii Nuur eebo ( Allaha u
naxariistee)
4. Albumka Kuftay ee uu ku luuqeeyo Fanaankii Mohamed Hassan Caruus
5. Albumka Ruun ee uu ku luuqeeyo Fanaankii Abdullaahi Boqol
6. Albumka Beledweyne ee uu ku luuqeeyo Hobalkii Hassan adan Samatar
7. Albumkii Dubey iyo Dalkeena ee ay klu Luuqeeyaan Amina Camari iyo
aweys khamis.
8.
Albumka Muna ee uu ku luuqeeyo Fanaankii
Abdi Janan.
9 . Albumka Nuxur ee uu ku luuqeyso Fanaanadii Fartuun Birimo.
10 . Albumka Kow Laba Kow ee ay ku luuqeeyaan kooxda Guul Band.
11 . Albumka Fiidmeer ee uu ku luuqeeyo Fanaankii Hassan Diiriye
12 . Albumka Onkod ee uu ku luuqeeyo Fanaankii Abdi Tahliil
Ilaa iyo waqtigan Xaadirka ah ee sanadkan 2003 Dukaanka wuxuu Safka
hore kaga jiraa soo-saarista iyo keydinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Somali Hall Of fame waxay albaabka u furtay fanaaniin badan oo qurbaha
ku nool oo hadda lagu tilmaamo Xiddigaha cusub ee Fanka Soomaalida
oo aad loogu Jecelyahay qurbaha iyo Dalkii Hooyo intaba. Fanaaniintaas
oo kolkii hore ku adkeyd in ay soo bandhigaan Fankooda iyo Firadahooda,
markii dukaanka la furayna u suurogashay in ay helaan Hoy ay ku soo
hirtaan ayna ku soo bandhigaan Fankooda. Soomaali Hall Of Fame hadaad
timaado waxaad ku arkeysaa Abwaaniinta Dalkeeni hooyo Kuwoodii ugu
caansanaa, Hoblada waaberi, Xiddigaha Cusub ee casriga iyo Dhamaan
dadka fanka jecel ee ku nool adduunka intiisa kale oo sanad waliba
booqosho ku yimaada Xurunta Somali Hall Of Fame oo ku taal 2072 Lawrence
Avenue East, Toronto, Canada.
Back
to Somaliroots.com
This
Whole Homepage was created by
Alfaproduction
If you have any comments, Please send them to
Sroots@hotmail.com
Copyright
© 2003 Somaliroots.com