|
Gabdho
soomaali ah oo xijaabkooda muran dhaliyey.

Waraysi
ay BBC la yeelatay wariyaha qaaska ah ee somaliroots Ikraam Ali Kaar Click
Here
Labo gabdhood oo ah ardey
soomaaliyeed oo wax ku barata dugsiyada sare ee magaalada Gothenburg ee
dalkan Sweden ayaa xijaabooda ay iskuulka la yimaadaan muran dhaliyey
kadib markii xjibaaka gabdhahaasi uu noqday mid aan wejiyadooda indhaha
mooyee aanu muuqan meel kale.
Tanina waxey keentay iney macalimiintii gabdhahaasi wax u dhigayey ay
ka di-daan dharkii xijaabka ahaa ee gabdhahaasi labis ahaanta u wateen.Ismahaan
iyo Falis ayaa ah labo gabdhood oo soomaaliyeed oo wax ku
barta dugsiga sare ee Burgårdens Gymnasium (Burgarden high School)
iskuulkaasoo ay kuqaataan maadooyin kala ka duwan gaar ahaan maaddada
carruurta oo ay gabdhahaasi baranayeen sanad dugsiyeedkani. Dugsiga sare
Burgården ayaa ah mid badi ardeyda wax ku barataa ay
yihiin kuwo ajanabi ah muslimiina u badan, sida aad sawirka ku arkeysaana
waa labada gabdhood ee Soomaaliyeed Ismahaan iyo Falis oo xijaabka i(ndha
shareerka) soomaalida u taqaan xiran kaasoo ah mid si weyn muran u dhaliyey,
islamarkaasina kalifay markii ugu horeysay in arintan ku lug leh qaadashada
dharka noocan ah loo gudbiyo wasaarada waxbarashada dalkan Sweden si ay
go'aan uga soo saarto.
"Waa dhib aad u weyn marba hadaan aqrin karin ama aanan ogaan karin
waxa ay gabdhu dareemayaan, islamarkaasina aanan fahmi karin in casharka
aan u dhigay wax ka fahmeen iyo inkale taasina waa arin leh dhibkeeda"
ayey tiri Ellinor Dyne oo ah macalin gabdhaasi wax u dhiga.Labadaasi gabdhood
iyo macalimiintooda ayaa ugu isku afgartay in inta xiisadu socoto ay wejigooda
baneeyaan sidoo kale marka imtixaanka loo fariisanayana laga qoro aqoonsigooda
si loo cadeeyo iney yihiin ardeyda galeysa imtixaanka. Falis iyo Ismahaan
ayaa sidoo kale iyagu soo arkooday meel looga ogolaan karro dharka ay
xiran yihiin muddada tabarka u socdo, waxaana ay labadooda sheegeen iney
soo arkoodeen xanaanada carruurta muslimiinta meeshaasoo ah meel ay muslimiinta
u badan yihiin.Maamulaha iskoolka ayaa dhanka kale waxaa uu warbixin u
diray wasaarada waxbarashada oo arrintani eegi doonto si loogu helo barnaamijyo
u gaar ah dadka xiran dharkan diimeed iyo sida ay uga dhaqan geli karaan
goobaha waxbarashadeed.
Ugu danbentiina Ismahaan iyo saaxiibteed Falis ayaa ku faraxsan iney iyaga
iyo macalimoontooda isku afgarteen qaabka ay labiskooda ugu dhiganayaan
maadooyinkooda inta ay xiisadu socoto, waxeyna Ismahaan hadalkeeda ku
soo koobtay in dharkan muuqaalkiisa u ekaan karro mid laga cararo hase
ahaatee gabdhaha xiran ee ku hoos jira ay yihiin kuwo fiican.
Isha warka:Cannel 4-ka Sweden
Dowrka
Saxaafada iyo Dumarka Soomaalida.
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
|