Somaliroots

Gabdhihii soomaalida Sweden ee xijaabkooda muranka dhaliyey ayaa weli xiran indho shareerkoodii....


Gabdhihii soomaalida Sweden ee xijaabkooda muranka dhaliyey ayaa weli xiran indho shareerkoodii iyadoo wasaarada Waxbarashada Sweden ay soo saartay go'aan ka dhan ah arintaasi.


Sida uu shalay qoray wargeyska maalinlaha ah ee Gothenburg Post ee dalkan Sweden, ayaa shaaca ka qaaday in labadii gabdhood ee soomaalida reer
Sweden ee xijaabkooda muranka dhaliyey ay weli xiran yihiin xijaabkoodi indho shareerka ahaa kadib markii ay heshiiska xijaabkooda isku afgarteen
maamulihii iskuulka Burgården Gymnasium (Burgarden high shool), iyadoo weliba ay wasaarada waxbarashada Sweden ay soo saartay go'aan ay gebi ahaanba ku mamnuucday xijaabkaasi.

Heshiiskan dhexmaray maamulaha iskuulka iyo labdiisa arday ayaa ka danbeysay markii cabasho xoog leh oo ay ka muujiyeen gabdhahaasi go'aankii lugu diiday xijaabk indho shareerka, sidaas daraadeedna uu calool dabacsanaan u muujiyey maamulahii iskuulka."Cadaadis xoogan ayaa labada gabdhood saaran, sidaa daraadeed ayey iga
codsadeen inaan fasaxo oo ay guryahooda iska joogaan si ay uga nastaan buuqa hareeyey" ayuu yiri Staffan Hallström maamulaha iskuulka oo sheegay inuu aqbalay codsigii labdaasi gabdhood ee soomaalida ah ee iyagu baryahan danbe
cadaadis xagga saxaafada ah saarneyd.


Mr: Staffan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in heshiisha ay gaaraan isaga labadaasi gabdhood ay tahay xitaa mid kujirto in marka
tabarbar loogu dirro xaruumaha carruruta aysan xiran karin xijaabka ay iskuulka la yimaadaan, taasina buu yiri ay si diiran u soo dhaweeyeen
gabdhahaasi.


"Iminka waa Falis iyo Ismahaan oo qura ardeyda xiran xijaabka noocan ah, haddiise ay xeyn kale oo gabdho ah ay ku soo darsoomaan in arintu
markaasi mid halis ku tahay goobaha waxbarashada, waxaana qaadi doonaa talaabo
aan kaga hortageynoo" ayuu yiri Staffan Hallström, oo ka jawaabayey su'aal aheyd Sideed yeeli doontaan hadey gabdho kale ay xijaabkan soo xirtaan ama ay ku soo bataan iskuulka.
Haweeneyda la yiraahdo Noura Halawie oo iyadu ah gudoomiyaha "la taliyeyaasha ardadeyda" ee iskuulkaasi ayaa sheegtay iney aad ugu
faraxsan tahay siduu maamulahu u maareeyey arin caqabad aheyd, islamarkaasina isagoon jebin qawaaniinta u degsan dalkan ee la xirriirta diimaha..
Noura waxaa ay sheegtay ineysan aqoon u laheyn hablahaasi oo aysan weli wada sheekeysan, sidaas daraadeedna aysan jirin wax ay ka sheegto marba
haddii gabdhuhu yihiin kuwo aan la sheekeysan ardeyda qaar taasina ay igu noqoneyso
magac xummo hadaan wax ka sheego, waxaana ku qasbanahay ayey tiri inaan aqbalno dooqooda iyo dharka ay iskuulka la yimaadaan.


Maalintii jimcaha ayey wasaarada waxbarshada Sweden waxey soo saartay go'aan deg deg oo wax looga qabanayo xijaabka indho shareerka ah ee ay gabdho soomaaliyeed soo xirteen. Go'aankaasoo ahaa mid awood siinaya in iskuuladu ay
mamnuucaan xijaabka Niqaabka ah. Kadib markii ay wasaaradu arintaasi ku sheegtay mid aan la aqbali karin kuna habeeneyn goobaha
waxbarashada. Balse ay fasaxday oo keliya xijaabka caadiga ah ee madaxa lugu xirto.
Dhanka kale haweeneyda ugu ah dalkan wasiirka isdhexgalka Mona Sahlin ayaa aad u soo dhaweysay go'aankii ay gaartay wasaaradu, waxaana ay sheegtay in xijaabka noocaas ah uu yahay mid aan la qaadan karin islamarkaasina aan
baahneyn in iskuulka lala yimaado waxa ay ku tilmaamtay "Sumado diimo", waxaana ay ku boorisay iney xijaabkooda caadiga ah qaataan.

Tan iyo intii ay soo shaac baxday muranka ku saleysan xijaabka ay soo xirteen gabdho soomaaliyeed oo wax ku barta mid kamid ah dugsiyada sare magaalada Gothenburg ee dalkan Sweden, ayaa dhalisay dood aad u dheer
oo ku saabsan sidii arrintan ay dadka swedhish-ka ahi u aqbali lahaayeen, ugu danbeyntiina waxey wasaarada waxbarashada soo saartay go'aan ka dhan ah xijaabka Niqaabka ee indho shareerka soomaalidu u taqaan, balse muranka
iyo dooda xijaabku ay weli halkeedii taagan tahay.


Isha warka: Gothenburg Post.

Waxaa isku soo duwday,


kraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com

Waraysi ay BBC la yeelatay wariyaha qaaska ah ee somaliroots Ikraam Ali Kaar Click Here


Dowrka Saxaafada iyo Dumarka Soomaalida.

 

Alfaproduction