Maxaa
Ka lifay Dhisidda Maamul Gobeleedka Puntland?
Qore Faysal Axmed Xasan
Muddo imminka
laga joogo saddex iyo toban sanno ayeey Soomaaliya la’ayd
dawlad dhexe oo kulmisa shicibka Soomaaliyeed. Shacbiga Soomaaliyeedna
waxay la kulmeen dhibaatooyin faro badan intii ay Soomaaliya ahayd
dawlad la’aanta. Dhibaatooyinkaasna waxaa ka mid ah cusbitaal
la’aan, askar la’aan, iskuul la’aan iyo hoggaan
la’aan ay u wada simman yihiin shicibka Soomaaliyeed. Waxay
ahaayeen kuwo ay ka wada sinnaayeen oo ay uwada dhammaayeen kulligood.
Dad iyo dawlado
badan ayaa isku dayay in ay xal u raadiyaan xallinta muskhkilooyinka
dawlad la’aantu keentay. Kuwaasi waxay iskugu jiraan shicib
iyo dawlado saaxiibo la ah beelaha Soomaaliyeed. Shicibkan isku
dayay xal raadinta Soomaaliyeed waxaa ka mid ah shaqsiyaad calooshooda
la ciyaar ah, oo calooshooda uun u shaqaysta, ka fikira dan gaar
ah, jecelna in ay shicibka Soomaaliyeed u isticmaalaan dantooda
shaqsi. Inta badana waxay kuwaasi ku mashquulsan yihiin sidii ay
xukunka u hanti lahaayeen.
Dawladaha xalka
ku dayay waxaa ka mid ahaa dawlada Imbiraadooriyadda Maraykanka,
wadamadda ka tirsan IGAD – Itoobiya, Kiinya, Yugaandha iyo
Jabuuti, Jamciyadda Carabta, Jamciyadda quruumaha midoobay iyo kuwa
qaaradda Yurub.
Dawlada Imbiraadooriyadda
Maraykanka iyo hoggaamiyaheeddii bishii Diseembar sagaalkeeddii,
sannadkii 1992 Madaxweyne George Bush – kan wayn waxa uu adduunka
u soo bandhigay xal uu ku badbaadinayay shicibka Soomaaliyeed, kaasoo
uu ugu yeedhay Rajo Dib u Soo Celin. Wuxuuna isugu keenay magaalada
Mugdi-disho ciidan gaaraya 36,000 kun oo ka tirsan xoogga dalka
ciidanka imbiraadooriyadda Maraykanka, kuwaasoo shaqadooduna ay
ahayd badbaadinta shicibka xoogga darran, iyo raashinsiinta dadka
abaartu saamaysay, kuna sugnaa Soomaaliya. Inkasta oo dhibaatadaas
intaa le’eg adduunka oo dhami ka gilgishay, haddana madaxda
iyo indheergaradka Soomaaliyeed in yar baa aqoonsatay, iskuna dayay
in ay wax ka qabtaan. Barnaamijkaas Rajo Dib u Soo Celin ee Madaxweyne
George Bush – kan wayn wuxuu ahaa mid guulo wayn laga gaaray,
inkastoo kuwii danta gaar lahaa ay ka horyimaadeen markii dambe,
haddana waxa uu ahaa mid badbaadiyay dadkii tabaalaysnaa ee Soomaaliyeed.
Nimankii markooddii
horeba danta gaarka lahaa ee doonayayna in ay xoog ku xukumaan beelaha
Soomaaliyeed, oo ay dilaan, dhacaan qofkasta oo jecel in uu sammeeyo
wax wanaagsan ama jecel in uu u hadlo shicibka Soomaaliyeed. Nimankan
dunidda inteeda kale u taqaano dagaal oogayaal waxay ka soo horjeedaan
isukeenida shicibka Soomaaliyeed maxaa yeelay, dagaal oogayaasha
waxaa taageersan beelo faro badan, raalina ka ah, kana ahaa dhaca
iyo burburinta dhulka, dalka iyo hantiddii shicibka Soomaaliyeed.
Runtii waxaa la odhan karaa waxay kuwani yihiin tuugo isku bahaystay
dan shaqsi oo ku salaysan dan, aan lacag ku samayno wakhti aad u
yar (koobban). Inkastoo intoodii badnayd ay naftoodii qaaliga ahayd
ku waayeen oo ayba ka tageen dunidda korkeeda iyaga oo lacag la’aan
ah, oo aan hantina aan lahayn. Haddana intooda kale kuma aynaan
quus-qaadan ee waxay sii wadeen madax adkaantooddii ku salaysnayd
dhac oo misna burburi hantida iyo dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed.
Waxaana qarsoodi ahayn in ay cadaysteen ka soo horjeedistooda nabad
u helidda dhibaatadda ku soo habsatay ummadda Soomaaliyeed oo uu
mid kastaaba uu aaminsan yahay in uun isaga madax u noqdo beelaha
Soomaaliyeed, haddii kalese uu wadanku burburo. Taasoo micnaheedu
ka dhigan yahay Cad yahoow ku cunay ama ku ciideeyay.
Dagaal oogayaasha
qaarkood waxay ka soo horjeesteen dawladihii u yimid in ay badbaadiyaan
shicibkii Soomaaliyeed oo ay sheeganayeen in ay maamulaan. Kuwanina
waxay ahaayeen dagaal oogayaashii dagaalka ku qaaday dadkii iyo
dawladihii u yimid in ay badbaadiyaan shicibkoodda oo ayba ku dileen
tiro dad badan oo suxufiyiin ah, aqoonyahanno Soomaali iyo kuwa
aan ahayn Soomaali intaba. Dagaal oogayaashana waxay noqdeen kuwo
dhaawaca saaxiibtinimaddii iyo wada shaqayntii ummadaha kale la
lahaayeen shicibka Soomaaliyeed. Waxaana nasiib darro noqotay in
ay ka faa’iidaysan waayaan Rajo Dib u Soo Celin oo ay wakhtigooddii
ku lumiyeen micno darro iyo iyaga oo ku dhawaaqaya ‘Soomaaliya
ayaa dagaal lagu soo qaaday. Kaca la dagaalama diir cadka iyo taageerayaashiisa
iyo wax la mid ah.’
Taasina waa
misna waala shicibka Soomaaliyeed. Dadkii ku sugnaa Mugdi-disho
ee uu hogaaminayay Dagaal-ooge marxuun Maxamed Faarax Caydiid waxay
isticmaaleen hanjabaad iyo caga juglayn aynaan marnaba ka qarsan
dunidda inteeda kale. Waxaana ka mid ahaa hanjabaadahooddii ay u
gaystayn Barre Sare Saciid Sheekh Samatar oo lataliyaha u ahaa shirkadda
ABC (maqalka iyo muuqaalka) oo ay si cad ugu sheegeen ‘haddii
aadan ka tagin Mugdi-disho naftaada ayaa lagaa qaadi’ Waxaa
kale oo aynaan maskaxda u sheegin Rabbi uun baa nafta qaada dhimashaduna
in ay xaq tahay.
Dadka oo dhamina
ay dhimanayaan. Aniga shaqsi ahaan maalintii hanjabaadu dhacaysay
waxaan warkan ka dhagaysanayay Shirkadda ABC (maqalka iyo muuqaalka)
wariye Ted Koppel barnaamijka Nightline haddana Barre Sare Saciid
Sheekh Samatar waxaa ka muuqday wadannimo iyo jeclaansho uu wadankiisa
Hooyo u qabo. Inkastoo uusan ku faraxsanayn hanjabaadooda, uuna
aad u xiisaynayay dhulkiisa iyo dadkiisa dhibaataysan oo ay gaajadu
iyo dhibaatadu ka muuqatay oo meel walba looga soo gurmaday, misna
uu ka maqnaa wakhti dheer oo uu Barre Sare ka yahay Jaamacad ku
taala wadanka Maraykanka. Taasina waxay ahayd fal aad u xun, oo
dadka badankoodu u arkayay khalad haddana aynaan waxba ka qaban
karin. Dagaal-oogayaasha noocan ah waxay wax u dhimeen qaranimadda
iyo wada shaqaynta ummadda Soomaaliyeed.
Markii uu Imbiraadooriyadda
Maraykanku ka quustay, naftoodiina ku waayeen ayuu waxa uu go’aansaday
in uu iskaga soo baxo dalka Soomaaliya. Ka soo bixiddan waxaa sababay
mudanayaal badan oo ka tirsan Aqalka Sare ee lagu maqacaabo Sannaddka
qaar ka tirsani waxay markiiba dalbadeen in Ciidamadda xoogga dalka
iskaga soo baxaan dalka Soomaaliya. Qaar kalena waxay ku dareen
in dadkani aynaan ahayn dad raashin la’aan ka muuqdo sidaadaraadeed
waa in aynu faraha kala soo baxnaa dalka Soomaaliya. Imbiraadoooriyadda
Maraykanka faraheeda ayeey kala soo baxday arrimaha Soomaaliya.
Waxaa isku hadhay ummaddii Soomaaliyeed oo la iskaga soo dhexbaxay
beelihii Soomaaliyeed iyo dagaal-oogayaashii. Inkastoo mar walba
Imbiraadooriyadda Maraykanku ay sii waday taageeradeeddii taasoo
hadda noqotay mid dadban oo aan toos ahayn, laakiin aan marnaba
ka joojin taageeradeedda iyo caawinaanteeddii ay u hayso dadka iyo
dalka Soomaaliyeed. Waa badan tahay taageeradda Imbiraadooriyadda
Maraykanku u gaysatay ummadda Soomaaliyeed intii ay ahayd dawlad
la’aanta.
Waxaa kaloo
soo baxay kooxo Soomaaliyeed oo aaminsan in ay kala jaraan ummadda
Soomaaliyeed oo u arka in ay iyaga dani ugu jirto kala goonta beelaha
Soomaaliyeed. Kooxddan oo uu wakhtigani uu hoggaamiyo Daahir Riyaale
Kaahin, oo dawladdii uu hoggaaminayay marxuun Madax Weyne Maxamed
Siyaad Barre uu ka ahaa basaas ama sir doone. Ninkan iyo taageerayaashiisa
waxay mar walbaba ku hawlan yihiin ka go’idda ummadda Soomaaliyeed
inteeda kale iyaga oo inta badan ku doodaya dhulka go’aya
waa dhulkii la odhan jiray ‘British Somali land’ af
Soomaaligana ku noqonaya ‘dhulka Soomaalida ee Ingiriiska’.
Dooddan inta
badan waxay ku salaysan tahay qabiil iyo ka carar ay ka cararayaan
dadka Soomaaliyeed intiisa kale iyo sheegasho dhul aynaan degin,
walligood arag, tegin, waxna ka aqoon. Laakiin haddii dooddoodu
ku salaysnaan lahayd waxaanu la go’aynaa gobolkayaga iyo Waqooyi
Galbeed waxaa dhici kari lahayd in ay wax u suurto geli lahaayeen.
Laakiin, wakhtigoodii
waxay ku lumiyeen been abuur, shicib been u sheeg iyo dad kala iibis
joogta ah. Taasina inta badan dadkay kala kaxaysaa, isumana keento
dad wax wada dhisaya maxaa yeelay, qof waxa uu ku joogaa dawersi
iyo taano i sii – Magan Alle. Waxayna ku dhisan tahay dhaqankii
hore ee qaybi oo xukun. Run ahaantii, qaybi oo xukun waxa taageeri
jiray ama isticmaali jiray dad xirfad dheer, aqoon dheer, garasho
dheer iska lahaa, maskaxdooda gaabana ka sarraysay.
Magaalada Mugdi-shana
waxa loo kala qaybiyay labo qaybood oo is xoog le’eg –
Koonfurta iyo Waqooyiga. Labadana waxaa ka taliya dagaal-oogayaal
keli taliyaal ah, inkastoo aynaan mar qudha odhan waxaanu ka go’aynaa
Soomaalida inteed kale, haddana, dadkii iyo dalkii Soomaaliyeed
waxay u kala qaybiyeen qabiilo iyo kooxo hubaysan. Magaaladii Mugdi-sho
waxay noqotay tuulo mugdi ah oo dadka lagu dhaco hantidooda. Iyaguna
waxay oggol yihiin in ay iyaga uun u taliyaan wadanka intiisa kale,
mana garanayaan sidii ay ku xukumi lahaayeen. Dooddooduna waxay
tahay annaga ayaa Mugdi-sho xukuna taasoo ah caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliyana waa qofka haysta Aqalka Ummadda, Markaas
Xuseen Maxamed Faarax Caydiid waa Madaxweynaha Soomaaliya haddii
aan aqbalno doodaas ka taagan Mugdi-sho. Laakiin Mugdi-sho ma tahay
caasimadda ummadda Soomaaliyeed? Mase noqon kartaa maadaama ay dhiig
badani ku daateen?
Dawladda Talyaaniga
iyo dawlado kale oo ka tirsan ururka reer Yurub waxay isku dayeen
in ay Soomaaliya ka dhisaan dawlad laakiin kuma aynaan guulaysan
maxaa yeelay, daacad kama aynaan ahayn nabadaynta ummadda Soomaaliyeed.
Waxayna mar walba jeclaayeen in ragg qaarkood iyaga matelaan, kamana
aynaan hadal hab maamuleed ummadda Soomaaliyeed lagu xukumi karo.
Sidaadaraadeed dadka qaarkiina waxay u arkeen inay raggooda ay taageerto
wax la wado, taasina waxay wax u dhintay nabadayntii ay ka dhex
samayn lahaayeen ummadda Soomaaliyeed.
Caalamka Carabta
waxay isku dayeen in ay xaliyaan dhibaatada ummadda Soomaaliyeed
ku soo habsatay, inkastoo Soomaalidu ku maahmaahdo ‘ninkii
tiisa daryeela ayaa mid kale ku dara’ Waddamada Carabta waxaa
haysta dhibaatooyin aad u faro badan, intooda badan madaxdoodda
waxay yihiin keli taliyaal, danaystayaal mar walba eega dantooda
gaarka ah. Waxay isku dayeen in ragg qaarkood ay lacagsiiyaan ayna
ku fushadaan danahooda shaqsi amaba toodda qaran. Tusaale, dalka
Masar waxay qabanqaabisay bishii Diseembar, sannadkii 1997 nabadayn
ay ugu yeedhay dawlad dhisid, inkastoo dagaal-oogayaasha qaarna
u yeedhay, kuwa kalena aynaan u yeedhin. Nabad raadinteedana waxay
noqotay mid aan lagu guulaysan, maxaa yeelay, ummadda Soomaaliyeed
ma ahayn kuwo u dhan.
Waddamada IGAD ee safka hore sida Kiinya, Jabuuti, Ugaansha iyo
Itoobiya waxay isku dayeen in ay hishiisiiyaan ummadda Soomaaliyeed,
iyaguna waxba ma xalin. Bishii
Maajo Sannadkii 1998 waxaa laga maarmi waayay in ummadda Soomaaliyeed
ay iyagu xal raadiyaan. Waxaana magaalada Garoowe ku shiray ururo
siyaasadeed saddex xisbi ka socday (Urur siyaasadeed matelayay Dhulbahante,
iyo Warsangeli oo dhinac ah, Majeerteen iyo Awrtable iyo Laylkase
oo dhinaca kale ah.
Beelahan oo
ku abtirsada dhammaantood beesha Daarood, waxay ururaddii ay hoggaminayeen
Maxamed Cabdi Xaashi iyo Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxgarad kale,
caaqilo, nabadoono iyo issimmo isku afgarteen in ay ka wada hadlaan
mustaqbalkooda iyo dhisid maamul goboleed ay ugu yeedheen Maamul
Goboleedka Puntland. Maamul Goboleedkan waxaa isugu yimid lix gobol
oo kale ah: Bari, Nugaal, Sool, Koonfurta iyo Barigga Sanaag, Koonfurta
Togdheer, iyo Galbeed Mudug.
Waxayna isku
af garteen in kuraasta Golaha shacabka lagu qaybsado gobol gobol.
Tirada Golaha Shacabka waxaa lagu koobay 65 xildhibaan oo ka kala
yimid goboladdan soo socda: Galbeedka Mudug, Bari, Sool, Nugaal
iyo Sanaag (Koonfurta iyo Barigga Sanaag iyo Koonfurta Togdheer
(Cayn). Iyadoo aan wax kuraas ah aan loo goon dayn Gobolka Cayn
(Koonfurta Togdheer). Tanina waa khiyaamo, una baahan in la saxo
sida ugu dhakhsaha badan. Mana ahan in lagu xidho xujo ama samaysi
gobolo hor leh si ay haddana u helaan kuraas kale. Koonfurta Togdheer
ma’ahan gobol cusub waxa uu la mid yahay Sanaag (Koonfurta
iyo Barigga Sanaag) iyo Mudug (Galbeedka Mudug) miyeen habboonayn
in ay Cayn (Koonfurta Togdheer) hesho kuraasteeda sida ay u heleen
goboladda kale. Waa haddii wax lagu qaybsaday gobol gobol amaba
haddii beelaha lixdan gobol ay wada samaysteen hab maamuleed ay
ugu yeedheen maamul Goboleedka Puntland. Waxaa loo baahan yahay
in mudanayaasha beelaha reer Cayn (Koonfurta Togdheer) ay helaan
kuraastooda.
Su’aasha
aynu u baahanahay in aynu iswaydiino waxay tahay. Maxaa loo ilaaway
kuraastii Cayn (Koofurta Togdheer)? Maadaama ay goboladda kaleba
ay heleen mudanayaal metesha (sida kuwa ka socda qaybta ka tirsan
Galbeedka Mudug, Sool, Bari, Nugaal iyo Koonfurta iyo Barigga Sanaag
una hadla gobolladooda).
Dawladaha safka
hore kamana aysan daalin marnaba in ay dawlad ka dhisaan Soomaaliya.
Dhammaadkii sannadkii tagay bishiisii Oktoobar, sanndkii 2004 waxaa
dawladaha IGAD dhiseen dawlad hor leh oo uu hoggaaminayo Cabdulaahi
Yuusuf Axmed. Iyadana bal aynu eegno halka ay ku dambayso. Markii
Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Madaxweynihii hore ee Puntland uu noqday
Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya, waxaa markiiba loo dhaariyay
madaxweynaha Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ah halyeey, rug cadaa
ah, una soo halgamay qadyada reer Puntland, qayb wayna ka soo qaatay
dhisidii Maamul Gobeleedka Puntland.
Maamulka Daahir
Riyaale ee Soomaali diidka ah ayaa dagaal ku soo qaaday dhulka Puntland
iyaga oo dhexda u soo galay ilaa iyo 190 KM. Madaxweyne Maxamed
Cabdi Xaashi si wacan ayuu u metelay dadkiisa. Laakiin, General
Maxamuud Muuse Xirsi waxa uu eed dusha kaga saaray Madaxweyne Maxamed
Cabdi Xaashi iyo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)
ku eedeeyay in ay labadoodu masúul ka yihiin dagaalka ay
soo qaadeen maamulka Soomaali diidka ah (mar uu la hadlayay Idaacadda
SBS). Intaa kuma ekaane waxaa uu ka shanqadiyay in uu heshiis la
galay Cabdullaahi Yuusuf Axmed Yeey, uuna isaga u ballanqaaday in
uu noqdo Madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne
Maxamed Cabdi Xaashi iyo Madaxweyne ku xigeen Maxamed Cali Yuusuf
(Gaagaab) waxay eegeen danta shacabka reer Puntland waxayna ku dhawaaqeen
doorasho. Doorashaddii waxaa ka dhacay ceeb, reebtayna foolxumo
iyo iyadoo abuurtay isbarasho hor leh oo dhex marta qabiilladda
ku midoobay Maamul Goboleedka Puntland. Dadka reer Puntlandna ay
ogaadeen kuwo dhibka dadka ka dhex shidaya, oo had iyo jeer ololinaya,
doonayana in dadka reer Puntland ay kala tagaan.
Laakiin, Maamulka
Soomaali diidka waxay u dabaal degeen si aad u sarraysa, iyagoo
u arkaya in ay guulgaareen oo ka adkaadeen Madaxweyne Maxamed Cabdi
Xaashi iyo Madaxweyne ku xigeen Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab). Sidaadaraadeedna,
dadka degan Sool, Koonfurta iyo Barigga Sanaag iyo Koonfurta Togdheer
(Cayn) ay taageeri doonaan Maamulka Soomaali diidka ah. Taasi dhici
mayso waana habeenkii xalay oo kale. Miyuu soo noqonayaa? Jawaabtu
waa maya.
Ninkan Maxamuud
Muuse Xirsi waa ninkii isagoo ku nool Ottawa, dalka Kanada, Puntland
u yimid hiil qabyaaladeed si uu ugu hiiliyo Jaamac Cali Jaamac oo
ay isku reer yihiin, kadibna waxa uu la hishiiyay Cabdullahi Yuusuf
Axmed oo ay ka soo wada jeedaan hal reer (Maxamuud Saleebaan, Majeerteen).
Maxamuud Muuse Xirsi waxa uu ku doodi jiray intaan loo dooran Madaxweynaha
Puntland, Cabdulaahi Yuusuf Axmed baan heshiis ku wada galnay jaqaddan
Madaxweynaha ah markastana waa in hishiiskii uu Cabdullaahi Yuusuf
Axmed ka soo baxaa. Taasi waxay ahayd qorshihii Maxamuud Muuse Xirsi
ku yimid jaqada Madaxweynaha Puntland, laakiin muxuu aaminsan yahay
Maxamuud Muuse Xirsi?
Maxamuud Muuse
Xirsi waa nin la ogaa in uu taageero xisbiga SNM ee Soomali diidka
ah, markastana waxa uu odhan jiray waxaan Puntland u tagayaa in
aan Dhulbahante iyo Warsangeli ka saaro Puntland. Ma ka saari doonaa?
Haddii uu ka saarana maxayba awalba ku haysteen? Mar ay waraysatay
Idaacadda Hornafrik ee ka soo baxda magaalada Mugdi-sho waxa uu
caddeeyay in uu habayndoono ciidanka Maamul Goboleedka Puntland.
Taas macnaheeda waxa weeye ciidanka ayaan kala dirayaa. Haddii uu
kala diro ciidanku maxay samayn doona? Maamul Goboleedka Puntlandna
ma sii jiri doontaa? Waxay ila tahay waa maya. Maxamuud Muuse Xirsi
waxa uu gudagalay barnaamijkiisii uu ku kala furfurayay Maamul Goboleedka
Puntland. Ma is tiri Maamul Goboleedka Puntland waa baaba’ayaa.
Bal aan eegno halka uu ku dambeeyo.
TIXRAAC
-“Maxaa
ku dhacay mudanayaasha Koonfurta Togdheer ee Gobolka Maamuleedka
Puntland?”: Hanad Magazine, Fall/Winter 1998: 10.
-Guest Column, “Somali clans are the key”: NEW African
IC Publications Limited, June, 1995:20.
-SBS Idaacadd ka soo baxa dalka Ostaraaliya: Idaacadda SBS
-ABC News Nightline barnaamijka wariye Ted Koppel
-Idaacadda Hornafrik waraysigii Generaal Maxamuud Muuse Xirsi
Faysal
Ahmed Hassan
Toronto, Canada
Fiiro Gaar ah: Aragtida
qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida
Somaliroots.com
|