DKMG ah oo yeelatay 2 Madaxweyne
Mbagathi, Nairobi, (AllPuntland)- Cabdalle Deeroow Isaaq gudoomiyaha Baarlamaanka DKMG ah/Kooxda Carta ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay goobta uu ka socda shirka Somalidu wuxuu kaga dhawaaqay inuu la wareegay xilkii Madaxweyne nimada DKMG ah uuna ka qaaday jagadaas Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Cabdalle Deeroow ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay inuu u cuskaday Axdiga ku meelgaarka ah ee DKMG ah xil ka qaadista Cabdiqaasim oo uu ku eedeeyay inuu ku tuntay axdigii DKMG ah u yiilay, wuxuu sheegay in Baarlamaanka uu siinayo awooda xilka qaadista madaxweynaha hadduu ku tunto dastuurka.
Cabdalle Deeroow ayaa sheegay inuu xilka si ku meel gaar ah u haynayo 30 cisho sida buu yiri uu qabo dastuurka DKMG ah. Cabdalle ayaa sheegay in ay go'aankaan la qaateen xildhibaanada Baarlamaanka intooda badni.
Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaan isagu wali wax jawaab ah ka bixin xilka qaadista uu kusameeyay Cabdalle Deeroow.
Khilaafka u dhexeeya xubnaha DKMG ah ugu sareeya ayaa shalay gaaray figtii ugu saraysay ka dib markii kulan ay isugu yimaadeen xubnaha maamulkaas ka jooga shirka Somalida uu ku dhamaaday gacan ka hadal dhex maray laba kooxood oo ay kala hogaaminayeen Cabdalle Deeroow oo aad ay isaga soo horjeedaan Cabdiqasim Salaad Xasan iyo Maxamed Cabdi Yusuf oo isagu ah ku xigeenka gudoomiyaha Baarlamaanka DKMG ah / Kooxda Carta isla markaana ah nin si weyn daacad ugu ah Cabdiqaasim. DKMG ah/Kooxda Carta ayaa maanta sidaas ku yeelatay laba Madaxweyne, lama oga labada Madaxweyne midka uu la shaqayn doono ra'iisal wasaarahooda Xasan Abshir Faarax.
Back To Somaliroots
Copyright © 2003 Somaliroots.com
Next >>