CALI-YARE
GAANI: Geesigii Sanadka 2003 ee Soomaalida Sweden oo
[Bilad sharaf la gudoonsiiyey]
Geesigii
sanadkan Geesigii
sanadkan Geesigii sanadkan
Cali-yari Gaani
Cali-yare Gaani
Cali-yare Gaani
Cali-yare Gaani
Cali
yare Gaani oo ah nin soomaaliyeed islamarkaasina degan gaalada Gothenburg
ee dalkan Sweden ayaa kamid noqday geesiyada sanadka ee loo aqoonsaday
iney yihiin “Geesiyaasha Sanadka” 2003-da, kadib markii
maamulka gobolka iyo Jaamacada Gothenburg ay sidaasi garteen in geesiyaashaasi
la abaalmariyo.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimayey oo lugu qabtay golaha mada
daalada ee gobolka toddobaadkan dabayaaqadiisa ayaa Cali-yare waxaa
halkaasi lugu gudoonsiiyey bilad sharaf iyo shahaadooyin isagoo weliba
loo sheegay inuu yahay geesiga sanadka 2003-da (Hero of the year) da
daalkiisii iyo waxqabadkiisii ku aadana bulshada soomaalida ee Gothenburg.
Cali-yare ayaa xafladii abaal marinta aad loogu amaanay dowrkiisi ku
aadana wax u qabshada bulshada gaar ahaan soomalida ku nool magaalada
Gothenburg ee dalkan Sweden. Markii la gudoonsiiyey abaalmarinta iyo
shahaada ayuu qudbad gaaban oo halkaas kasoo jeediyey sheegay inuu aad
ugu faraxsanahay howshii cusleyd ee ummada u qabtay iyo sida uga soo
baxay tanoo oo Cali-yare ku sheegay iney aheyd mid Illaahey ku garab
galay, islamarkaasina ay tahay talaabo ku dayasho mudan oo laga doonayo
qofkasta oo ummadiisa wax u qabanayo.
Cali-yare geesiga soomaaliyeed ee sanadkan ayaa la gudoonsiiyey abaalmarin
iyo bilad sharaf kamid ah kuwa uga sareysa ee dalkan Sweden laga bixiyo
sanad walba haadahan oo kale islamarkaasna ay aheyd markii ugu horeysay
ee la gudoonsiiyo qof soomaali ah.
Munaasbadaasi aadka qaaliga u ah ayaa intey soctay waxaa isheydu qabatay
gabdho soomaaliyeed oo iyagana joogay goobtii ay xaflada ka dhaceysay
kuwaasoo kamid ahaa marti sharaftii kaso qeybgashay xafladaasi islamarkaasina
lugu gudoonsiyey abaalmarinada iyo bilad sharaftaba.
Xafladii
markii ay dhamaatay ayaan wareysi gaaban oo aan la yeeshay Cali-yare
ii sheegay inuu si aad ah ugu faraxsanyahay in da daalkiisi aanu noqon
hal bacaad lugu lisay. Sidoo kale mar aan wax ka weydiiyey wax qabadkiisa
ayuu ii sheegay in Cali-yare si aad ah dhalinta degan maagalada Gothenburg
wax ugu qabtay kuwaasoo uu ku da daalay sidii aanu diintooda iyo dhaqankooda
midna ugu tegi laheyn .Gaar ahaan Waxbarashda iyo taakuleynta carruurta
soomaaliyeed ee iyagu dalkan martida ku ah.
Dhanka kale Cali-yare ayaa ah siyaasi ka tirsan xisbiga talada dalka
haya ee Social Demokrat-ka, waxaana uu sidoo kale uu xubin fir fircoon
ka yahay hey’ada carruurta u qaabilsan dalka Sweden ee la yiraahdo
Sweden save children.
Cali-yare oo leh magac loogu naaneyso Danjire ayaa weydiiyey sababta
loogu bixiyey waxaana isagoo qoslaya oo kaftamaya yiri “Ikraameey
dalkeeni safaarad malaha, marka waa inaan buuxshaa booskii safaarada
qaban jirtay!”
Ugu danbeyntiina Cali-yare waxaa amaan aan la koobi karin u soo jeediyey
maamulka Gobolka Gothenburg oo dowrkiisa waxqabad ku tilmaamay howl
ay qaban lahaayeen boqol qofood oo shaqsi keligiis qabtay, waxaana ay
ku booriyeen inaanu yareysan howshii geesinimada laheyd ee u qabtay
bulshadiisa iyo dadka reer Sweden tanoo bey yiraahdeen iney tahay howl
kuyasho mudan.
Waxaa qortay;
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
Somaliroots
Alfaproduction@yahoo.com