Somaliroots

ALLOW "ALLE"

SHEEKO GAABAN

Magacaygu waa Luul, da’dayduna waa 40-jir. Waxaa baabuur la iga soo saaray Gaalkacyo. Aad baan u xanuunsanaa, xanuunkeyguna waxa uu ahaa mid i dhammeeyay. Malaha weligey sidan la iima qaban. Waxaa la ii wadaa Xamar oo la yiri bal tacaal iyo daawo ha lagala doono. Ciddu wax yarow bay ahayde, wax xoogaa neefaf ari ah baa la ii soo gaday, waxna la igalama harin.

Shan maalmood baan jidka ku soo jirnay, waddo xumadana waxaa iiga darraa kuwo aan duco iiga dhicin oo kolba baabuurka joojinayey, kuwaasoo aalaa isbaarooleey loogu yeero. ALLA waxaan xusuustaa anigoo Casir keliya u kala socdaala Gaalkacyo iyo Muqdisho.

War yaanan idinku oomine anigoo xanuunkiina igu kordhay, miyir qummanna aan lahayn yaa Xamar la i keenay. Markiiba waa la isugu key yimi, qoyska oo dhamina aad bay iigu gurmadeen!.

Ugu horreynba, waxaa la ii geeyay koox culimmo ah oo dadka xanuusan Qur’aan saarta. Rag hadde… qaari’ul Qur’an ah yaa la soo soocay, khidmad yayna durba igu akhriyeen, ALLOOW caafi iyo aamiin yaana warkoodu u badnaa!. Hase ahaatee, sheyga muhimka ah inaan idiin sheego aan doonayo waxa weeye in culimmadii isku raaceen in xanuunka i hayaa uu ka yimid Jin i dardaray kaasoo aan carruur uga istaagay qabuuraha Cir-jiife. Wax roonana weli ma hayo, oomatidayduna ma fiicna!.

Waa la ila orday, Culimmo kale ayaana la ii geeyay. Sidoo kale Qur’aan xooggan bay i saareen, ha yeeshee, kooxdii hore waxay uga beddelnaayeen iyagoo jirrada i haysa ku tilmaamay tu ka timid sixir la ii maleegay, uuna u baahan in aad loo fur-furo, Qur’aan badanna la saaro.

Waa hagaag, intaa kaddib qoyskeyga iyo saaxiibbadayda qaar ka mid ah, waxay la noqotay, in talo xumo dadka kama dhammaatee, bal fooxiye iyo faalkii laga war-doono, iyagana waxay sheegeen in xanuunkeyga ay sababtay Il aadane ama waxa loo yaqaan Cuyuumu-naas, dawadeyduna tahay mid sahlan. Intaa markii la ila maray, yaa adeerkey Cali oo ragga ugu gu’ weynaa yiri:- “War maa dhaqtar iyo isbitaal Luul lagala quusto!”. Intuba inta ka dhaqso lehe, isla subaxiiba waxaa la i geeyay rugta caafimaadka ee gaarka ah ee Cagaaran. Dhaqtarkii wuxuu yiri: “Oow…! gabadhan anigaa garanaya oo duumo ayaa haysa, ee halla siiyo….”.

Weli xanuunku wuu jiraa, mana sugna sababtu. Dhaqtar kale ayaa la ii geeyey, isna wuxuu yiri: “Duumo ma hayso e, dhiig-kar ayaa haya ee cunnadeeda cusbo yaan lagu darin”, dawooyinna wuu ii dhigay. Weli dawo lama gaarin, waxaana la ii geeyey dhaqtar saddexaad iyadoo la tusay dawooyinkii iyo baaristii sheybaarrada ee hore, hase ahaatee waa uu ku gacan sayray oo wuxuu yiri: “Baaris cusub halla sameeyo”, waxayse noogu darreyd markii uu diiday iyana natiijadii baaristii cusbeyd taasi oo aynu ka soo sameynay sheybaarka Hurdaaye, iyadoo uu dhaqtarku ku andacooday inaanu sheybaarkaas ku kalsooneyn, waxaana uu ku dooday in laga soo sameeyo baaris kale oo cusub sheybaarka Darbo-weyne, innaguna sidii baynu yeellay maadaama aynaan doorasho lahayn!.

Baaristii dambe ka gadaalna, dhaqtarkii wuxuu ii qoray dawooyin hor leh, iminkana sariir ayaan ku ururay, shilinna iima noola ee ALLOOW ALLE, adigaa caafimaadka hayee adigu iigu deeq, dowlad caaddillana noogu yabooh, Cadaabkaagana iga xoree!.

W/Q:- Abshir Nuur Cali (Weriye iyo Qoraa)

 



Alfaproduction