|
Ahmiyada
Salaada
Salaadda waxay ka mid tahay guud ahaan marka laga hadlayo cibaadada
kuwa ugu muhiimsan, waana marka laga eegayo aragtida islaamka. Waxaa
salaadda lagu soo waajib yeelay samada ama cirka, waxayna ahayd
habeenkii Nebi Muaxammad (scw) la dheelminayay, iyadoo lambarka
koowaad ka gashay cibaadadii kale ee tiirarka islaamka. Sababta
loogu beegay waajibinta salaadda cirka ama samada ayaa ka tusinaysa
ahmiyad goonni ah oo ay wadato salaadda.
Madaxda xukuumadaha maanta dunida kajira, markay soo korodho xaalad
degdeg ah oo aad u muhiim ah, waxay durbadiiba u yeertaan danjirayaashooda/safiiradooda.
Tani waa tan uu bini aadamku si fudud u fahmikaro, ee aan eegno
dheelmidii nebi Muxamad.
Nebi Muxammad (scw) maadaama uu yahay safiirkii ummadda islaamka,
ayuu Eebbe (sw) ugu yeeray arrin degdeg ah, aadna muhiim u ah, kadib
markii loo dheelmay xagga samada, si uu si toos ahaaneed ula soo
hadlo Rabbigii sarreeyay, ayna uga wada hadlaan arrinta ku saabsan
waajibinta salaadda ee ummadda islaamka.
Halkan waxaa mudan inaan xusno, in markii hore lagu waajibiyay
oo loo soo dhiibay Rasuulka (scw) 50 salaadood, hase ahaatee wuxuu
la kulmay Nebi Muse (cs), isagoo kula taliyay inuu u laabto xagga
Alle (sw), uuna weydiisto inuu ka khafiifiyo tirada salaadaha, maadaama
uu isagu soo arkay qoomkiisii reer Banuu Israa’iil. Sidii
ayuu Rasuulka (scw) ugu noqday Eebbe (sw), isagoo sidaas sameeyay
dhowr jeer, jeer markii danbe loo soo dhiibay salaado shan, laakiin
xagga ajarka ay ka yihiin 50 salaadood oo kale.
Tixgelinta islaamka ay ku leedahay salaadda
Rukniga ama tiirka Salaadda waxaa la waajibiyay 3 sanno kahor waqtigii
hijrada. Waana cibaado ay la iman jireen ummadihii naga horeeyay
iyo Nebiyadoodaba, sidoo kale ay waajib tahay inay la yimaadaan
ummadda Nebi Muxammad (scw).
Meel weyn ayuu islaamka gaarsiiyay ahmiyadda cibaadada salaadda,
isagoo digniin iyo gooddi daranna uga digay ciddii ka tagta, ee
aan la imaan salaadda. Salaaddu waa saldhiga ugu weyn ee diinta
islaamka, waa furaha Jannada, dhinaca kale salaaddu acmaasha la
qabto ayeey ugu kheyr badan tahay, waana camalka ugu horreeya ee
addoonka la weydiin doono maalinta aakhiro.
Dhammaan tiirarka kale ee aan ka ahayn salaadda waxaa lagu waajibiyay
isagoo Nebiga (scw) saaran dhulka, halka salaadda keligeed loogu
waajibiyay isagoo ku sugan samada ama cirka, waana habeenkii la
dheelmiyay suubbanaha Nebiga (scw), waxayna taasi ku tusinaysaa
miisaanka culus ee ay wadato salaadda.
Nebiyadii hore iyo Salaadda
Nebiyadii hore dushooda nabadgelyo iyo naxariis Eebbe (sw) ha yeelee
si goonni ah ayeey u qaddarin jireen ilaalinta salaadda. Matalan,
waxaynu qur’aanka ka heli karnaa tusaalooyin fara badan oo
arrintan la xiriirta. Matalan waxaynu arkaynaa Nebi Ibraahim (cs)
oo ku duceysanaya “Rabbiyow waxaad iga dhigtaa kuwa salaadda
ooga, sidoo kale ubadkayga, Rabbiyoow naga aqbal ducadayda”
Suuradda Ibraahim lambarka 40.
Sidoo kale, wiilkiisa Ismaaciil (cs) ayuu misna Eebbe (sw) ku
ammaanayaa inuu ehelkiisa fari jiray salaadda, wuxuuna yiri “Wuxuu
(Ismaaciil) fari jiray reerkiisa salaadda iyo zakada, Rabbi agtiisana
wuxuu ahaa mid looga raalli yahay”. Suuradda Maryama aayadda
25.
Markii ugu horeysay ee loo waxyoonayay (Eebbe la hadlayay) Nebi
Muse (cs) wuxuu Eebbe (sw) faray inuu oogo salaadda, wuxuuna ku
yiri “waan ku doortow (Muusow) ee maqal waxa laguu waxyoonayo,
Annigu waxaan ahay Allaha aan anniga mooyee Ilaah kale jirin ee
anniga i caabud, salaaddana oog xuskayga” Suuradda Daha aayadaha
14 iyo 15.
Sidaas oo kale ayaan qur’aanka ku arkaynaa dardaarankii
addoonkii wanaagsanaa ee Luqmaan, markii uu u dardaarmayay wiilkiisa,
waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “wiilkaygayow oog salaadda,
macruufkana far (dadka) munkarkana ka reeb (dadka), wixii dhibaato
ku soo gaartana u sabar, sidaas ayaa ummuuraha kuwooda loo qasdo”.
Suuradda Luqmaan aayadda 17. Nebi Ciise (cs) markii ugu horeysay
ee uu hadlay isagoo ku sugan dhabta hooyadii, hadalladii waxyiga
ahaa ee uu qur’aanka noo sheegay waxaa ka mid ahaa “waxaa
la ii daardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay”.
Suuradda Maryama aayadda 31. Ugu danbeyntii waxaa Suubbanaha Nebigeena
Muaxammad (scw) la faray inuu isna la yimaado salaadda, wuxuuna
Alle ku yiri “Akhri (Muxammadow) wixii xaggaaga la waxyooday
oo kitaabka ah, salaaddana oog, maxaa yeelay salaadda waxay (dadka
ka) reebtaa xummaanta iyo waxa la naco...” Suuradda Al-Cankabuut
aayadda 45.
Dhinaca kale, wuxuu Eebbe (sw) sii adkeynayaa ahmiyadda salaadda
ugu leedahay xagga sifada ama tilmaanta Alle-ka-cabsiga (taqwa),
wuxuuna Eebbe (sw) leeyahay “(qur’aanka) waa hanuun
dadka Alle ka cabsada, waa kuwa rumeynaya waxa qaybka (qarsoon aan
la arkeyn ee xaqa ah) ah, salaaddana oogaya, lana baxaya-na wixii
aan ku arsaaqnay xaggiisa” Suuradda Al-Baqara aayadaha 2 iyo
3. Markale salaadda iyadoo aan aan eegayno, wuxuu qur’aanka
ku billaabayaa, misna ku gabagabeenayaa sifooyinka dadka liibaanay,
waana billoowga suuradda Al-mu’minuun.
Waqti iyo xaalad goonni ah ma laha salaadda
Haddaba, qofka muslimka ah markasta iyo xaalad kasta waa laga doonayaa
la imaanshaha salaadda, hadduu negaasho yahay, iyo hadduu safar
yahay-ba, hadduu ku jiro xaalad cabsi, iyo hadduu ku jiro xaalad
nabadeed, hadduu nabadgelyo haysto, iyo hadduu ku jiro xaalad colaadeed,
hadduu buko, iyo hadduu caafimaad qabo, intuba waa inuu la yimaadaa
salaadda.
Wuxuu Eebbe (sw) isagoo na faraya inaan ilaalinno salaadaha yiri
“xifdiya salaadaha (shanta ah) iyo salaadda dhexe (ee sharafta
badan, waana salaadda Casar), una istaaga Eebbe (sw) dartii idinkoo
u khushuucsan”. Al-Baqara aayadda 238 iyo 239. Taasna waxaa
loola jeedaa, inaan xaalad kasta aan jirno ilaalinno salaadaha faralka
ee shanta ah. Ma awoodi wayday inaad istaag ku tukatid, ku tuko
fadhi, xittaa haddaad awoodi wayso inaad fadhi ku tukatid, waa inaad
u tukataa dhinac-dhinac, ama-ba aad ku tukataa si ishaaro ahaan
ah, siday culumada islaamka yiraahdeen oo kale.
Gooddiga haysta qofkii ka taga salaadda
Maadaama aan sidaas u soo aragnay ahmiyadda ay u leedahay ilaalinta
iyo xifdinta salaaddaa, sidoo kale-na aynu soo aragnay siday ummadihii
hore iyo nebiyadoodiiba ay u ilaalin jireen salaadda, ayaa wuxuu
haddana qur’aanka gooddi daran u jeedinayaa kuwa iyaga aanan
ilaalin salaadda, isla mar ahaantaana aan waqtigeeda ku tukan, ama-ba
aan gebi ahaanba u tukan.
Wuxuu Eebbe (sw) isagoo uga digaya kuwaas aanan ilaalin waqtiyada
salaadda ku yiri “ halaag waxaa u sugnaaday kuwa tukanaya
(ee munaafiqiinta ah), ee haddana halmaansan salaaddooda”
Suuradda Al-Maacuun aayadda 4 iyo 5.
Markii uu Eebbe (sw) soo magacaabay Nebiyaal fara badan, isagoo
ku amaanay acmaashoodii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen, ayuu misna
wuxuu Nebiyadaas gadaashood Eebbe (sw) ku xusay kuwo kale oo garabmaray
wadiiqadii Nebiyadaas ee suubbanaa, wuxuuna yiri “waxaase
ka gadaal maray (nebiyadaas) kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacayna
shahawaadkooda (waxay naftoodu jecleyd), kuwaas waxay la kulmi doonaan
(aakhiro) shar”. Suuradda Maryama aayadda 59.
Haddaba, haddii aad doonaysid inaadan lagula kulmin shar iyo tog
weyn oo ku yaala naarta Jahannamo, Ilaahay ha naga badbaadiyee,
waxaad ku dadaashaa salaadda, oo ilaali waqtigeeda iyo axkaamteeda.
Haddii aan dib u milicsanno xagga axaadiista, waxaa hubaal ah inaan
arkayno iyadoo uu Rasuulka (scw) ka dhigayo salaadda waxa lagu kala
sooco qofka muslimka ah, iyo kan aan ahayn.
Xaddiis uu werinayo Imaam Axmed iyo Muslim iyo sidoo kale Asxaabu-sunanku,
wuxuu Rasuulka (scw) yiri “qofka iyo shirkiga iyo kufriga
waxaa u dhaxeeya iyadoo laga tago salaadda”. Xaddiis kale
oo saxiix ah, ayna werinayaan imaamyada shanta, wuxuu Rasuulka (scw)
yiri “ballanta annaga (muslimiinta) iyo iyaga (gaallada) noo
dhaxeysa waa salaadda, qofkii ka taga-na waa gaaloobay”.
Maalin maalmaha ka mid ah isagoo Rasuulka (scw) ka hadlaya mustaqbalka
uu ku danbeyn doono qofka xifdiya oo ilaaliya salaadda iyo kan aan
ilaalin ayaa wuxuu yiri “qofkii xifdiya (salaadaha shanta)
waxay u noqon qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo maalinta
qiyaamaha, qofkiise aan xifdin (salaadaha shanta) uma u noqoto qofkaas
(aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo-ba, wuxuuna noqonayaa maalinta
qiyaamaha la jirka Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan (wasiirkii Fircoon)
iyo Ubayu Binu Khalaf”.
Culumada islaamka waxay iyagoo xaddiiskan fasiraya yiraahdaan
“qofkay hantidiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa
(qiyaamaha) la-jirka Qaaruun, qofkay boqortooyadiisu salaadda ka
mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Fircoon, iyo qofkay madaxtinimo
iyo howlo wasaarado ay salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka
Haamaan, iyo ugu danbeyntii qofkay ganacsigiisu salaadda ka mashquuliso
wuxuu noqonayaa la-jirka Ubayu Binu Khalaf.
Salaadda la iska doonayo
Salaadda uu Islaamka doonayo ma ahan salaadda lala imaanayo oo
keliya xarakaadka iyo qiraa’ada qur’aanka, isla mar
ahaantaana aan wadan khushuuc iyo isu-dulleyn xagga Alle ah. Balse,
salaadda uu islaamka doonayo, uuna aqbalayo waa tan wadata khushuuca
iyo iyadoo lala yimaado dhammaan axkaamta salaadda.
Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri hadal
uu macnahiisu ahaa “labo rakcadood oo si khushuuc leh loo
dhammeystiray ayaa waxay ka kheyr badan yihiin dunida iyo waxa saaran”.
Rasuulka (scw) salaadda ayaa u ahayd waxa uu ku il-qabowsado, wuxuuna
ku oran jiray mu’adinkiisa Bilaal “noogu raaxeey Bilaalow”.
Qofka mu’minka dhabta ah markii uu salaadda galo, wuxuu gebi
ahaanba ka baxaa dunida uu joogo. Wuxuu si khushuuc ay ku dheehan
tahay ula faqaa/hadlaa Allihii sharafta badnaa ee isaga abuuray,
isaga ayuu weydiistaa waxa uu u baahan yahay, dhibaatooyinka iyo
muragada haysatana wuxuu weydiistaa inuu ka qaado. Salaadda dhabta
ah waxaa laga helaa xasilooni iyo degganaansho xeel dheer.
|