Birth
Country: Somali
Singer: Waaberi group
axay Ka Xusuusan Tahay Waayihii Jacaylkii Soo Maray - “Ubaeri
dhii Abwaan:-Yuusuf
Yare (Waxaan Halgan Ugu Jiraa Inaa Noqdo Riwaayad Qore Caan Ka Ah
Afrika Iyo Aduunka Intiisa Kale).
Burburkii Qaranka Soomaaliyeed Shaqsiyaad Badan Oo Magac Iyo Maamuus
Ku Lahaa Bulshada Soomaaliyeed Dhexdeeda Ayaa U Kala Hayaamey Shanta
Qaaradood Ee Aduunka Kuwaasina Waxaa Ka Mid Ah Hal-abuurkii Ugu
Da´da Yaraa Muálifiintii Heerka Qaran Ee Soo Marey
Dalkeena Soomaaliya Abwaan Yuusuf Maxamed Muumin (yuusuf Yare),Wuxuuna
Haatan Ku Nool Yahay Caasimada 3aad Ee Dalka Sweden Magaalada Malmo.
12kii Nov Sanadkii 1965tii Ayuu Abwaan Yuusuf Yare Ku Dhashay Magaalada
Jamaame Wuxuuse Ku Bar-baarey Oo Uu Malcamada Quraanka Iyo Waxbarashadiisii
Dugsiga Hoose,dhexe Iyo Sareba Uu Ku Dhameystey Degmada Kismaayo
Caasimada Gobolka Jubada Hoose Intii U Dhexeysey Sanad Dugsiyeedkii
71/72 Ilaa 82/83dii,Shaqdiisii Qaranka Oo Xilligaa Lagu Magacaabi
Jirey Gurmadka Mashaariicda Qaranka Wuxuu Ka Soo Fuliyey Degmada
Ceel-dheer Oo Ka Tirsan Gobolka Gal-gaduud.
Aqoontiisii
Heerka Jaamacadeedna Waxay Ahayd Kulliyada Siyaasadda Iyo Saxaafada
Ee Jaamacada Umadda Soomaaliyeed Isagoona Ardey Ka Ah Ayuu Ka Mid
Noqdey Abwaaniinta Heerka Qaran Ee SoomaalidaWuxuuna Safka Hore
Ka Galey Riwaayad Curiyayaashii Hobolada Waaberi Markii Uu Dabayaaqadii
sanadkii 1987dii Uu Soo Bandhigey Maadeyskii Maskaxda Shacbiga Soomaaliyeed
Ay Ka Wada Maqsuudeen Ee Hal-ku Dhigeedu Ahaa (Yaa U Wanqaley Waqtiga?)
Taasoo Ilaa Haatan Murtida Heesaha Dabacsan Ee Riwaayadaasi Ku Jirey
Aaney Weli Dadweynuhu Ka Xiiso Dhigin Dhageysigooda.
Abwaan Yuusuf Yare Waa Xaas Wuxuuna Leeyahay Afar Caruur ah Ilaahay
Ha Dhaafo Oo Ha Dhureeyee,Waxaanan Nasiib U Yeelanay Inaan Khadka
Internedka Kula Yeelano Wareysi Dheer Oo Dhinacyo Badan Taabanaayo
Si Ay Uga Bogtaan Umadda Badan Oo Hamuun U Qabtay Iney Helaan Xogta
Iyo Xaalada Dhabta Ah Ee Abwaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed Meel
Walba Oo Ay Joogaan Ay Gaarka ugu Xisaabtamaan Ugana Tilmaansadaan
Hal Abuurada Tirada Badan Ee Heerka Qaran ee Soomaaliyeed.
Abwaan Yuusuf Yare Iyo Fanaanka Codka macaan ee La magac baxay Lafoole
oo ah Xidig ka mid ah Fanaaniinta Dhalinyarada Casriga, shacabka
Soomaalidu aad u jecelyihiin ayaa Waxay Bisha Dicember ee Sanadkaan
Ku Soo Fool Leeyihiin Magaalada Toronto Ee Dalka Canada Si Ay Shacabka
North America Ku Nool ugala Qeyb-qaataan Soo Dhoweynta Sanadka 2004ta.
Hadaba
Wareysigii Aan La Yeelaney Abwaan yuusuf Yare Wuxuu U Dhacay Sidan:
Suáal:-
Goormaad Fanka Iyo Hal-abuurka Suugaanta Aad Bilowdey?
Jawaab:- Marka hore Mohamed Deeq Alfa aad baad ugu Mahadsantahay
soo dhoweynta aad igu soo dhoweysay shabagada somaliroots.com, Sidoo
kale waxaan kaaga mahad celinayaa sida aadka ah ee aad xilka isaga
saarto marwalba isu soo ururinta iyo horumarinta Suugaanta soomaaliyeed.
Hadaba hadaan su'aashaada kaaga jawaabo Fanka Iyo Hal-abuurku Maáha
Wax La Bilaabo ee Waa Hanti Iyo Hadiyad Gaar Ah Oo Uu Rabbi Baxsho
Kuna Abuuran Qofka.
Suáal:-Goormaad Dareentey Inaad Adigu Awood U Leedahay Curinta
Maansada?Mana Noo Sifeyn Kartaa Sidaad Ku Dareentey?
Jawaab:- Yuusuf Ahaan Waxaan Dareemay Anigoo 10jir Ah Ardeyna Ka
Ah Dugsiga Hoose/dhexe Farjano Ee Degmada Kismaayo,Sidaan U Dareemayna
Hadaan Kuu Faah-faahiyo Waxay Ahayd Anoo Xubin Ka Ah Ubaxa Kacaanka
Iskuulkeenii Ayaan Waxaan Soo Jeediyey Inaan Heeso Cusub Sameysano
Xafladaha Xiritaanka Dugsiga,Iyo Tartamada Aan La Geleyno Ardeyda
Kale,Anigoo Markaasi U Heysta Sameynta Heesaha Iyo Curinta Suugaanta
Noocyadeeda Kala Duwan Wax Fudud Oo Ardeydoo Dhan Ay Iska Sameyn
Karaan Ilaa Heer Aan Noqdo Muálifkii Iskuulkeena.
Suáal:-Wax Ma Nooga Sheegi Kartaa Ereyada Heeskii Kuugu Horeeyey
Ee Aad Curiso?
Jawaab:-Haa Waxaa Ereyadiisa Ka Mid Ah Heeskii Ugu Horeeyey Oo Anigoo
Ardey Ah Oo 10jir Ah Aan Hal-abuuro
Ardey Baan Ahoo.........AayideyWarkii .......Aabahohood Siyaad.........,Inagoo
Ogsoon.......Aayaha Dalkiyo..........Aayatiinkayaga......Idil Waxaynu
Nahay........Ubixii Dalkoo Is-urursadee.
Suáal:-Waa Imisaad Is Leedahay Tirada Guud Ee Heesahaad Curise?Heeskeedna
Ugu Jeceshahay Dhamaan Heesahaad Sameysay?Maxaadse Ugu Jeclaatey?
Jawaab:-Ilaahow Hadalkaaga Xisaab Yaan La I Oranin,Ma Tiro Koob
Goán Hadda Ma Ku Siin Karo Heesaha Aan Sameeyey,Laakiin Waxaan
Kuu Sheegayaa Inaan Leeyahay Diiwaan Ay Keydkeyga Suugaantoo Dhan
Ku Urursan Yihiin,Hadaad Tiri Heeskeed Ugu Jeceshahay Waxaan Ugu
Jeclahay Hees Aaney Weli Maqlin Dhegaha Shacabka Soomaaliyeed Oo
La Yiraahdo(Farjano) Oo uu Ku Luqeeyo Fanaanka Codka Dabacsan Leh
Ee Lafoole. Waxaanan Rajeynayaa In Sanadka Cusub Ee 2004ta Uu Soo
Bixi Doono Inshaa Allaah Ereyadiisana Waxaa Ka Mid Ah....Cosob Hooyadeydii...........Ciidey
Ku Umushee....Waa Cawaale Inankani.......Caweys Loogu Sacab Tumey...........Cadka
Xudunta Teydiyo.......Cinjirtey Ku Aaasney........Oon Casharkii
Quraankiyo........Cilmi Kaga Tanaadeen ..............Caruurnimiyo
Hanaqaad...........Cisi Ugu Bar-baariyo........Cara-edeg Kismaayiyo............Faanooliyo
Calanleey...........Cirifkii Shaqaalaha........Farjanaan Casuumaad........Kuugu
Tumi Ciyaarohoon........Caashaqeena Ugubka Ah.........Calankiisa
Surayaa......Carfoon Soo Caga-cagee..........Cagaha Miisaan U Yeel.....Ha
Cabsane Soo Ciyaar. Sababta Gaarka Ugu Jeclaadeyna Farjano Waa Xaafadii
Aan Ku Soo Bar-baarey Iyo Magaca Dugsigii Hoose Dhexe Ee Aan Ka
soo Baxay Xitaa Fanaanka Loo Doorey Inuu Ku Luqeeyo Waa Mid Iyada
Lafteed Uu Micno Ku Jiro
Suáal:-Imisa Riwaayadood Ayaad Sameysay? Waxse Ma Nooga Sheegi
Kartaa Magacyadooda?Mideedse Is Leedahay waad Ugu Jeceshahay?
Jawaab:-Dhab Ahaan Riwaayado Shan Iyo Toban Gaaraayo Ayaan Sameeyey,Hadaan
Wax Kaaga Xusana Waxaa Ka Mid Ah Yaa U Wanqalay Waqtiga?,Qofbaan
Ahaye Miyaan Qeybsamaa?,Aduunyoy Mee Aayahaa?,Cugataye Ma Calfan
Doontaa?,Beertii Ayaxa!.Isku Raran!,Koorihii Dhalanteedka!, Baqihii
Gogosha!,Waayo Arag Waxba Kama Dhina,Iyo Kuwo Kaloo Badan, Waxaan
Ugu Jeclahay Middii Ay Dadweynuhu Ugu Jeclaadaan.
Suáal:-Abwaan Maxaad Uga Jeedey Yaa U Wanqaley Waqtiga?Ma
Sheeko Kugu Dhacday Baad Ka Sameysey Maadeyska Sida Dad badani Qabaan?
Jawaab:-Horta Waxaad Ogaataa Hees Kasta oo Uu Hal-abuur Curiyo Waxa
Uu leeyahay Labo Ujeedo Middi Waa Tan Dadweynaha Iyo Fanaanka Ku
Luqeeyey Ay U Heystaan Ama Loogu Sifeeyo Midina Waa Mid Abwaanka
U Sir Ah,Marka Yaa U Wanqaley Waqtiga Sida Cad Waxaan uga jeedey
Yaa U Magac Bixiyey Waqtiga Mar Haddii Waqtigu Uu Aaadamiga Ka Weyn
Yahay Sida Ku Cad Suratul Baqara,Waxaanan Lahaa Hala Daayo Eeda
Waqtiga Lala Doonanaayo Sida Waqtigaa I Xumeeyey,Waqtigaa I Dabrey,WaqtigaaIgarba
Duubey Iwm.Maya Sheeko Igu Dhacdey Kama Sameyne Waa Qiyaali Aan
Hal-abuurey Oo Bulshada IntaBadan Ka Dhax Dhici Kartey Xilligaa
Kala Haajirku Bilowdey.
Suáal:-Yaa Gacan Kugu Siiyey Soo Bandhigideda Maa Daama aad
Ahayd Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ku Cusub Fanka?
Jawaab:-Waxaan Heley Garbo Badan Oo Aad Ula Dhacay Dadaalkeyga Ha
Ugu Horeyso Macalimadeyda Fanka Hibo Maxéd Hudoon(Hibo Nuura),
Saada Cali Warsame Iyo Dhamaan Jilayaashii Kale Ee Qeyb Ka Qaadanayey
Jilista Riwaayadeyda Iyo Ragii Naaxiyada Macaan Sameeyey Sida Hanuuniye,Shamuuri,Maxéd
Suleyman,Jubba IyoMaxéd Xuseen Faarax Oo Muusikada Riwaayada
Dhisey,Waxaan Marna Maskaxdeyda Ka Goéyn Saaxibkey Amiin
Caamir C/dalla Oo Farshaxanka Quruxda Badan Iigu Hiiliyey,Sidoo
Kale Weriyeyaashii Idaacada Iyo Kuwii Telefiishinka Iyo Qorayaashii
Wargeyska Xiddigta Oktobar Iyo Dhamaan Dhalintii waqtigaas
Suáal:- Haddii Sida Aad Ii Sheegtay Ay kuu Diyaarsan Yihiin
Dhawr Iyo Toban Riwaayadood Maxaad U Soo Bandhigi La´dahay?
Jawaab:-Riwaayadahaa Faraha Badan Waxaan u soo Bandhigi Laáhay
Nasiib Daro Xilligii Aan IsFududeyn Lahaa Waxaa Dalkii Ka Dhacay
bur-bur Iyo Dagaal Sokeeye Shacabkeeniina Wuu Kala Yaacay,Aniggana
Waxaan Dhex Taagnaa Dal Bur-burey Muddo 10sanadod Ah Hada Oo Aan
U Soo Baxay Wadamadan Horumarey,Waxaan Ku Haminayaa Inaan Filimo
Ka sameeyo Aniggoo Howshaa Bilowgeeda Guda Geli Doona Haddii alle
Idmo Aakhirka Sanadkaan Marka Aan Toronto Imaado,Waxaanjan Arintaasi
Aan Ka Filayaa Iney Gacan Weyn Iga Siiyaan Halyeyada holfeyn Oo
Isku Mashquuliyey Dib U Soo Nooleynta Fanka soomaaliyeed Markii
Dalalkan Loo Soo Hayaamey.Mahad Balaarana Waan Uga Celinayaa Sida
Ay Isu Xilqaameen.
Suáal:-Inta Badan Abwaaniintiina Waxaa La Idinku TiriyaaInaad
Qeyb Wen Ka QaadateenKicintii Shacbiga Iyo bur-burintii Qaranka
Adiga Maxaad Ka qabtaa?
Jawaab:-Horta Dadka Ilaahey Isku Wada Aragti Iyo Isku Wada Cabir
Midna Maáha Waxaa Laga Yaabaa In Abwaaniintu Qaarna Maya
Ay Leeyihiin Kuwana Haa,Anigase Waxaan Qabaa Inta badan Eedaasi
Waan Leenahay Hadaan Abwaaniinta soomaaliyeed Nahay,Waayo Waxaan
ololeynay Ridida Dowlad qabiil,Waxanan U Yeeray Jabhado Qabiil oo
Iyaguba Toban U Qeybsanaa Fikr Iyo Ujeedo Midana Aaan Lahayn,Waxaa
Kaloon Shacbiga u Saadinay Saad Xun Waanan Habaarey Iwm.
Suáal:-Sidee Hadaba Dhibaatada Aad Geysateen Dhaawaceeda
loo Bogsiin Karaa Bay Kula Tahay,Adigu Qof Aahaan wax Isku Dey ah
Ma Ka Sameysay?
Jawaab:-Dhibaatadaa Waxaan Is Leeyahay In Marka Hore La Helo Naadi
Mida Oo Ay Yeeshaan Fanaaniinta Soomaaliyeed,Waayo Waxaan Qabaa
aniggu Qof Ahaan (Fikir Iyo Fan Mideysan Ayun Baa Mudi Kara maamul
Iyo Qaran mida),Wax Isku Day Ah Ma Ka Sameysayna Haa Oo Waxaan Qaban
-qaabiyey Inuu Qabsoomo Kulanka Abwaaniinta Heerka Qaran Ee Dalalkan
Iskandanefiyanka La Yiraahdo Halkaasoo Aan Hada Ku Nool Nahay 5
Abwaan Heer Qaran Oo Kala Ah Abwaan Xasan sheekh Muumin,Abwaan Cabdi
Aadan Qeys,Abwaan Barre Maxéd Fiidow;Abwaan Aadan Maxéd
Cumar(Looshade) Iyo Aniga Yuusuf Yare Ah,Waxaanan Jecelnahay Inaan
diyaarino Naadiga Fanaaniinta Iskandanifiyanka Oo Aan Uga sii Gudubno
Mid Yurub ah Ilaa La Helo Mid Guud.
Suáal:-Waxaa Jira Dhalin Yaro Badan Oo Fanaaniin Ah Oo Ku
Soo Caan Baxay Qurbaha Oo Ku Luqeeya Heesaha Fanaaniintii Hore,Sidee
U Aragtaa Ma Ku Qaldan Ihiin Iney Ku Luqeeyaan Heeso Fanaan Kale
Lahaa Mise Wey Ku saxan yihiin,Maxaadse Heeso Ugu Sameyn Weydeen?
Jawaab:-Walaahi Anigu Dhib Uma Arko Ku Luqeynta Fanaaniintan Heeso
Hore Loo Qaadey Ku Luqeeyaan,Balse Ereyga Ah Hees fanaan Hore Uu
Lahaa Waxaan Maleynayaa In La Yiraahdo In Laga Qurux Badan Yahay,WaayoHorta
Lahaasho Waa Milkiyad Hadaba Fanka Soomaalida Ma Laha sharci Sharci
U Kala Qeexa Cida Iska Leh Milkiyada Iyo Cida Isticmaalka Uun Ku
Ek,Bal Adiga Aan Kugu Celiyee Heeska Ma Waxaa Leh Abwaankii Ereyada
Curiyey,Mise Midkii Laxamka Saarey,Mise Kii Ku Luqeeyey.Heeso Maxaad
Ugu Sameyn Weydeyna waxaan Filayaa Inaaney Jirin Cid U Diidaye Iyaga
Naftoo Dhalintan Danbe Waxaa Inta Badan Ka Dhunsan Marinkii Iyo
Kala Danbeyntii Fanka,Howl Badan Intey Geli Lahaayeena Waxay ka
Door Bideen Iney Isticmaalaan Mid Loo soo Diyaariyey
Suáal:- Maalin Walbo Waxaa Internedka Lagu Soo Bandhigaa
Fanaaniin Badan Oo Ku Dhiban Gudaha soomaaliya Kuwaasoo Ka Codsanaaya
Iney Gacan Qabtaa walaalahooda Fanaaniinta ee Dibada Ku Nool Oo
Aad Adigu Ka Mid Tahay Maxaad Ka Qabataa Ama Ka Geysataa?
Jawaab:-Waa Dhab Waan Arkaa Koley qof Ahaan waxay ila Tahay sida
Keliya Ee Wax loogu Qaban Karo Iney Tahay Iyadoo Loo Sameeyo Sanduuq
Furan Oo dhaqaale loogu ururinaayo Xubin Kasta Oo fanaan Ah Oo Dibada
Ku Noolna ay Bil walba Ku Rido Waxaan Iyaga Waxba u dhimeyn Dhaqaala
Ahaan Wax Weyna U Taraaya Walaalohoda Dhibaateysan,Loona Sameeyo
Guddi Maareeya Oo Kontaroolo,Taasina Fikirkeyga Xubno BadanOo Fnka
Iiga Weyn Iigana Horeeyey Ayaan U soo Bandhigey Ka Mira Dhalinteedana
Way Socotaa.
Suáal:-Abwaan Yuusuf Yare Ma Is Lahayd Heerkan Aadka U Sareeya
Ee Aad Ka Gaartey Fankan Soomaalida,Iyo Magacan Iyo Qadarinta Aad
Ku Leedahay bulshada soomaaliyeed Waad Gaari Doontaa Adoo Daýar
Mise Filan Waa ayey Kugu Ahayd?
Jawaab:-Ninkii Dadaalo waa Gaaraa Ninkii Beertana Wuu Goostaa, Inkastoo100%
Aanan Ku Dhihi Karin Hadana waan Ku Hamin Jirey Inaan Mar Uun Noqdo
Abwaan heer-Qaran Ah,Waayo Aniggoo Dugsiga Hoose/Dhexe Dhigta Ayaan
Dhihi Jirey Waxaan Ka Mid Noqon Doonaa Muálifiinta Heerka
Qaran Gaar Ahaan Waaberi Riwaayada Ugu Horeysa ee Aaan sameeyana
Hibo Nuuro Ayaan Qalanjo uga dhigi doonaa Ilaahayna Hamigeygii Wuu
Ii dhabeeyey
Suáal:-Hadaba Haddii Adigoo Daýar Aad Xiratey Magaca
Hal-abuuri Heer Qaran Sow Guushii Aad Higsaneysay Ma Gaarin?
Jawaab:Dadku Wey Yiraahdaan laakiin Anigu Ma qabo oo Waxaan Halgan
Ugu Jiraa Inaan noqdo Riwaayad Qore Caan Ka Ah Afrika Iyo Aduunka
Kale.
Suáal:-Ugu Danbeyntii Maxaad U Soo Jeedin Lahayd Shacabka
soomaaliyeed Guud Ahaan Iyo Gaar Ahaan fanaaniinta Soomaaliyee Ee
Ka Akhrisan Doonto Internedka?
Jawaab:-Guud
Ahaan Shacabka Soomaaliyeed Iyo Gaar Ahaan Fanaaniinta Soomaaliyeed
Ee Waresigaygan akhrineysa Waxaan Hawada U soo Marinayaa Salaan
Qiimo weyn Xambaarsan Ilaahayna Waxaan Ka baryayaa Fadliga bisha
ramadaan darteeda Inuu Umadeena Quluubtooda isu Soo dumo.
Mahadsanid
Abwaan yuusuf.
By.
Mohamed Deeq Alfa
Alfaproduction
Webmaster
of Somaliroots.com

Waraysi
ay Shabagada Somaliroots.com la yeelatay Abwaanka isaga oo duuban
waxaaan idinkaga soo gudbindoonaa marka kale
|