Astaamaha
Aabaha Alle Yaqaanka ah.
1) Waxaa
lagu yaqan inuu yahay Axad Ilaahay kabaqa, Rasuulkiisana raaca.
2) Wauxuu
aad uga warqabaa baahida reerkiisa: Xagga, Diinta, maalka, ama
Mooraalka.
3) Xaaskiisu
way ku faraxdaa marka uu guriga soo galo.
4) Waa kan
dhisa culuumta iyo caqliga reerkiisa, isla markaasna saxa caadooyinkooda.
5) Ma aha
mid dila xaaskiisa, ma-caayo, mana xaqiro.
6) Makeeno
gurigiisa shay aan Ilaah raalli ka ahayn, mana geeyo reerkiisa
goob Alle uusan jeclayn.
7) Waa kan
had iyo goor daaweeya qalbiga xaaskiisa.
8) Marka uu
maamulayo arrimaha reerkiisa, ma aha BAKHIIL iyo XAASID.
9) Ma aha
qof neceb qaraabada xaaskiisa (sabab sharci ah la’aanteed).
10) Kama hagrado
xaaskiisa waxa nafteeda u roon oo aadduunyo ah (awoodiisa)
11) Waa kan
xusuusta rabbigii abuurtay markuu maamulayo reerkiisa.
12) Wuxuu
had iyo jeer ka dalbaa cafis xaaskiisa, maadaama uusan dhammayn
Karin xaqeeda.
13) Waa kan
ugu yeera xaaskiisa naynaasaha tan ugu wanaagsan.
14) Maalka
reerkiisu u baahi qabo waakan aan ku bixin meelo kale oo aan fiicnayn.
15) Waxaa
lagu yaqaan in xaaskiisu ku xiran tahay, gabdhaha AKHLAAQDA iyo
DIINTA ku sifoobay.
16) Gurigiisa
waxaa laga yaqaan jacaylka islaamka iyo ehelkiisa.
17) Kuma yiraahdo
xaaskiisa “Waad fool-xuntahay & Waan ku-necbahay”.
18) Sidoo
kale ma habaaro xaaskiisa.
19) Markay
jirran-tahay iyo markay culus-tahay wuu u-khidmeeyaa xaaskiisa.
20) Waakan
ka abaal mariya ugana mahad naqa xaaskiisa dadaalkeeda.
21) Wuxuu
baraa carruurtiisa xaqa hooyadood iyo in ay u shaqeeyaan.
22) Wuxuu
u caddeeyaa xaaskiisa in gurigu iyada ku taagan yahay.
23) Waa kan
tusa xaaskiisa in isaga waalidkiis iyo iyada keedu isku mid u
yihiin.
24) Makeeno
gurigiisa MARTI xun.
25) Wuxuu
dhisaa diinta xaaskiisa iyo ubadkiisa.
26) Ficil
xun iyo hadal xun kuma horsameeyo reerkiisa.
27) Waxaa
lagu arkaa reerkiisa goobaha khayrka sida: MASAAJIDKA & MALCAAMADA.
28) Ciyaalkiisu
lama aha saaxiibbo kuwa dhaqanka iyo diinta gurracan.
29) Kama shaqeeyo
meel xaaraan ah, gurigiisana lagama cuno..cunto xaaraan ah.
30) Mageeyo
reerkiisa goobaha lagu-so- jeedo iyadoo Ilaah lacaasinayo.
31) Gurigiisa
lagama xirto dharka qarriban.
32) Reerkiisu
madhibo dariska mana sheegaan beenta.
33) Wuxuu
ka-fakaraa danaha Muslinka iyo Soomaalida.
34) Qawl-kiisa
iyo ficilkiisu waa isku mid.
35) Ma aha
qof ku takhasusay qurxinta QABYAALADDA.
36) Xaaskiisu
ugama baqdo sidii dhurwaaga oo kale.
37) Ma aha
qof caro badan oo dabeecad xun.
38) Waa nin
badanaaba gurigiisa laga helo.
39) Waa kan
aan ka-fakarin calooshiisa, dharkiisa iyo hurdadiisa oo kaliya.
40) Dadka
ma xanto, ma jaajuuso sidoo kale iskuma diro.
41) Waakan
xaaskiisu u sheegan karto waxa baahideedu tahay, dhakhsana uga
hesho.