AADAABTA
CIIDUL-FIDRIGA
Ummad kasta waxay
leedahay ciido iyo munaasabado dabaaldegyo ay weeneeyaan. Sidaa darteed
ayaa wuxuu Illaah (sw) ummadda Islaamka ugu galladeystay labo ciidood
oo kala ah Ciiddul-fidri-ga (Ciidda soonfureed), iyo ciiddul-Adxa, muslimiintana
meel walba ay joogaan way ciidaan oo ay u dabaal degaan labadaas ciidood.
Ula
jeedada Ciidda:
Xikmadda iyo ula
jeedada ay Muslimiinta ay isugu imaanayaan Salaadda labadaas ciidood
ayaa ah si ay isu bartaan oo ay isu xiriiriyaan, sidoo kale qaarkood
qaarka kale ugu bogaadiyo munaasabadda ciidda si ay isu jeclaadaan oo
ay u midoobaan.
Salaadaha
Ciidaha iyo goorta la jideeyay:
Rabbi (sw) wuxuu
maalmaha Ciidul-fidriga iyo Ciidul-adxa ummadda Muslimiinta u jideeyay
cibaadooyin sida gudashada Salaadaha labada ciidood. Goorta iyo waqtiga
la jideeyay labadaas salaadood waxay ahayd Sannadkii koowaad ee hijriga,
waana Sunno lagu adkeeyay qof kastoo muslim ah rag iyo dumar kuu doono
ha noqdko qofkaas. Salaadaha Ciidda ma laha aadaan iyo aqimitaan toona.
Ibn Qayim Allaha u naxariistee wuxuu yiri ” Rasuulka (scw) markuu
yimaado Musallaha lagu tukado wuxuu geli jiray Salaadda aadaan iyo aqimid
la’aan toona”. Cabdillaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli
noqdee isagana wuxuu yiri ” Ma ahayn Rasuulku (scw) kii adima
ama aqima maalmaha ciiddul-fidriga iyo ciidul-adxa.
Cunidda
Salaadda ka hor:
Rasuulka (scw) markuu
Salaadda u soo baxayo wuxuu soo xiran jiray dharkiisa kan ugu qurxoon,
wuxuuna cuni jiray xabado timir ah. Anas Binu Maalik (rc) wuxuu yiri,
Rasuulku (sw) uma kallihi jirin Salaadda Ciidul-fidri-ga ilaa uu ka
cuno xabado timir ah, wuxuuna u cuni jiray si tiro is dhaaf ah.
Fadliga
in la qubeysto iyo in la is carfiyo salaadaha kahor:
Rasuulku (scw) wuu
soo qubeysan jiray, waxauuna xiran jiray dharkiisa kan ugu qurxoon waa
marka uu soo aadayo Salaadaha Ciidaha, iyadoo uu u soo lugeyn jiray
fagaaraha Salaadda lagu oogayo. Markuu fagaaraha Salaadda yimaadana
wuxuu tukin jiray Muslimiinta. Waxaa wanaagsan inay Muslimiinta ku ogaan
Salaadaha Ciidaha meelo fagaaro ah, sidaasna ayuu Suubana Rasuulka (scw)
sameen jiray. Sidaa darteed waxaa habboon in ay muslimiinta qaataan
Sunnada Rasuulka (scw), iska daaba waaba amar uu Rasuulku nagu amray
inaan soo xiranno maalintaas dharkeena kan ugu qurxoon, sidoo kalena
aan isa soo carfino oo aan soo marsano barafuunno udgoon, sidaasna waxaan
ka fahmi karnaa Xaddiiskii uu werinayay Al-Xasan Al-Sabdhi in uu Rasuulka
(scw) amray muslimiinta inay xirtaan dharkooda ugu qurxoon, isla mar
ahaantaana ay isu soo carfiyaan.
Salaadda
Ciidda iyo ruuxa laga doonayo:
Dadka laga doonayo
inay la yimaadaan Salaadaha Ciidaha waa dhammaan rag iyo dumar, ilmaha
yar yar, dadkaas ha ahaadeen musaafiriin iyo ha ahaadeen kuwa guryahooda
jooga. Dhammaan dadkaasi waa laga doonayaa inay la yimaadaan, xitaa
wuxuu Rasuulka (scw) dumarka aan daahirka ahayn (caadada ku jira) inay
yimaadaan goobaha salaadda Ciidda, si ay u dhageystaan wacdiga iyo kheyraatka
goobta ciidda ka baxaysa, dhinaca kalena ay farxaddooda la qaataan muslimiinta.
Takbiirta
Salaadaha Ciidaha:
Salaadda Ciidda
waa labo rakcadood, rakcada hore waxaa la takbiirsanayaa (oranayaa Allahu
Akbar) 7 jeer, rakcada danbena 5 jeer iyadoo takbiir kastana gacmaha
kor ahaan loo koryeelayo, akhriska qur'aankana (qiraa'adana) waxaa la
aqrinayaa takbiirtaas gadhaashood sida faataxada iyo wixii kale oo qur'aan
ah. Rasuulku (scw) wuxuu salaadda kadib u istaagi jiray khudbad isagoo
wacdin jiray muslimiinta. Marka hore wuxuu Rasuulka (scw) ku bilaabi
jiray khudbada ku mahadinta Alle (sw) iyo ammaantiisa, iyagoo musliintana
ay fadhiyaan oo ay dhageysanayaan khudbada Nebiga.
Cayaarta
iyo damaashaadka maalmaha ciidda:
Cayaarta bannaan,
madaddaalada iyo damaashaadka hufan, anaashiidka iyo heesaha wanaagsan
(anaashiidka) ayaa waxay ka mid yihiin calaamadaha uu Islaamka ku sharciyeey
maalmaha Ciidaha, si ay nafta ay ugu raaxeysato waxyaalahaas aan xusnay.
Caa’isha Allaha
ka raalli noqdee, ayaa maalin iyada oo ay u haysayaan labo jaariyadood
(gabdhood) ayaa waxaa u soo galay Abii-Bakar (rc) markii uu arkay inay
labadii gabdhood ay heesayeen, wuu ka carooday wuxuuna arrinkaa ku canaantay
gabadhiisa Caa’isha. Rasuulka (scw) oo aan markaa meesha ka fogeyn
ayaa maqlay hadalkii Abii-Bakar, markaasuu ku yiri ”Faraha ka
qaad”, wuxuuna Rasuulka (scw) Abii-Bakar u sheegay in ummad kasto
ay leedahay ciido u gaar ah, maantana ay tahay ciiddeenna. In kastoo
aan ognahay arrinkaa, haddana waxaa lagama maarmaan ah in ay noo kala
caddaato cayaarta iyo damaashaadka uu Islaamku sharciyeey maalmahaas
iyo tan uusan sharciyeen. Meelo badan oo ka mid ah dunida Islaamka waxa
ay sameenayaan waa wax aan Islaamka asal ku lahayn sida qabashada caweysyada
lagu soo bandhigo fidnada iyo sharka, riwaayadaha ay jilayaan dumarka
qaaqaawan, heesaha aan bannaanayn iwm. Waxaan shakki ku jirin in arrimahaas
oo dhan ay ka mid yihiin waxyaabihii uu Islaamka diiday. Gunaanadka
hadalkayga waxaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed
leeyahay ku ciida meel walba aad joogtaan ciid wanaagsan, Illaahna ha
inaga aqbalo gudashada acmaasha wanaagsan aamiin.
Qore:
Ibrahim Salah
Odense, Denmark
ibra88@hotmail.com
------------------------------------------------------------
Zakada-fidriga
Zakada
Fidriga waxaa lagala jeedaa zakada ama quudka la bixiyo maalmaha ugu
dambeeya ee bishan barakaysan ee ramadaan ama maalinta koowaad ee bisha
xigta Ramadaanta ee Shawaal, waxaa kalo lagu macneeyaa sadaqada Fidriga.
labadaa magac ama tilmaamood ee aan sheegnayna waxay sal ku leeyihiin
sharciga oo sidaa u qeexay.
Waxaa
hadaba sidaa loo magacaabay iyadiiyoo ay tahay quud si sadaqa ah loo
bixinayo, tan oo lagala jeedo in ajar iyo mushqaayad lagaga helo xaga
rabi iyo dhamaystir ku jeeda bishan barakaysan ee Ramadaan.
Sidoo
kale waxa ay in badan oo culimada ka mid ahi sheegaan in zako loogu
magaacaabay maadaama uu yahay falkani mid lagaga doonayo xaga rabi dahirnaan.
Sida qoran wax wayn bay ka tari doontaa bxiyaha sadaqadaa hadii uu waqtigeedii
ku bixiyo islamarkaana uu siiyo cidii xaqa u lahayd ee mudnayd.
Waqtigii
la Jideeyay Zakada-fidriga
Zakada-fidriga waxaa la jideeyay sanadkii labaad ee hijriyada-waqtigii
Ramadaanta, sida qoran zakada waa arin ay si baahsan oo xeel dheer ogaga
Warantay shareecadu gaar ahaan marka laga hadlayo dhanka quraanka iyo
xadiiska labadaba. Akhqi qoowlka Ilaah. "Waxaa aflaxay kii zako
la baxay" 9:Al-shamsi, Cumar ibnu Cabdilcaziiz waqtigii uu madaxa
Muslimiinta ahaa waxa uu akhrin jiray aayadan kadibna waxa uu fari jiray
dadka si ay zakad ola baxaan.
Cikrimaa
laga sheegay inuu yiri markii uu ka waramayay aayada "Waxaa aflaxay
kii zako la baxay" waa qofka la baxa zakada-fidriga ka hor inta
aan la tukan salaada ciida. sidoo kalaa in badan oo salafkii hore ahna
ay yiraahdeen.
Waxaa
saxaabadu sheegeen in Suubanoow nabigeenii uu Waajibiyay sakada-fidriga,
sidan bayna Muslimiintu isku raaceen kuwii hore iyo kuwii dambaba. Reer
Madiinana waxay ahaayeen kuwa aan aragba zako ka fadli badan tan fidriga.
Ibnu
mundur iyo qaar kale oo raga cilmiga ah ayaa iyguna isku raacay oo qalinka
ku duugay waajib ahaanshaha Zakada-fidriga.
Waxaynu
hadaba oran karaa Intaa ku filan Cadaynta halka ay sharciga ka taagantahay
Zakada-fidrigu, sida aan horayba ogaga hadalay tani waxa ay qayb ka
tahay, doonista uu sharcigu doonayo in laga dahiro nafta dhaqanno badan
oo aan fiicnayn sida bakhiilnimada, iyo dhamaan akhlaaqda aan hagaagsanayn,
iyo dhamaystirka dahirnaanta soonka tan oo lagala jeedo in lagu ebyo
xoogaagaa sadaqada ah ee uu adoonkaa ilaahay dhiibtay, wixii dhacdhac
ahaa ee ka fakaday intuu uu gudanayay acmaashii Ramadaanta.
Tan
ugu muhimsan ayaa iyana ah in maalintaa ciida laga deeqo dadka masaakiinta
ah baryada iyo halkii ay ku wareegi lahaayeen aqalada dadka, oo hadii
la siiyo maalintaa xoogaaga yar ee sadaqada ah waxay ka deeqaysaa baryada
maalintaa ciida ah ee dadka muslimka ahi oo dhan ay faraxsanyihiin.
Ibnu
Cabaas waxaa laga wariyay in uu nabigu NNDH "u waajibiyay sakada-fidriga,
dahirinta qofka sooman iyo quudinta Masaakiinta" waxaa weriyay
Abuu daa’uud.
Waxaa
kaloo si toos ah oga muuqanaya waajib yeelida sakada-fidriga
* muujinta ku mahdinta ilaahay dhamaan galadaha uu ku siiyay ee in aad
ku dhamaysatay bishii ramadaan iyo gudashadeedii sidii uu ilaahay doonayay,
iyo weliba sida uu ilaahay kuugu fududeeyay in aad ku dhaqaaqdo falalka
hagaagsan ee uu isagu raaliga ka yahay.
* in si dhan loo qaybsado faraxa iyo jacaylka walaaltinimo ee bulshada
dhexdeeda.
Yeey
Ku Waajibtaa Zakada-Fidriga
Zakada-Fidriga Waxay ku waajibtaa qofwalba oo Muslim ah lab ama dhedig,
adoon [waa arin lagu dhaqmi jiray berigii hore ee ay Muslimiintu jihaadka
qaadi jireen halkaas oo dadka lagu soo qabto iyagoo islaamka la dagaalamaya
la cabiidin[adoonsan] jiray. Falsafada uu ka duulayay islaamku ayaa
ah in qofkii diida in uu ilaahay adoon u noqdo ay tahay markaa in uu
adoomadiisa uu adoon u noqdo]ama xor, heer badiye ama heer magaal, waxaa
si guud ay ugu waajibtaa qof walba oo Muslim ah, sidaasay xataa muslimiintii
hore ay ka bixin jireen zakada fidriga haweenka uurka leh.
Waxaan
kala jeedaa ma aha zakada-fidrigu mid ku waajibta haweenka uurka leh
noolaha ay caloosha ku sidaan ee mindhaa waxay muslimiintii hore kala
jeedeen in ay muujiyaan mahadnaqa ilaahay inta ay awoodi karaan, sida
qoran waxaa laga weriyay Ibnu Cumar RC, in uu yiri " Rasuulku wuxuu
waajibiyay Zakada-Fidriga, Suus Timir ah, ama Suus Galay ah, adoonka
iyo kan xorta ah, Lab iyo dhedig, ku yar iyo mid wayn, oo muslimiinta
ka mid ah, wuxuuna faray nebigu NNKH in labixiyo kahor inta aan loo
dareerin salaada Ciida" Bukhaari iyo Muslim
Sida
hadaba xadiiska inooga muuqanaysa waxa ay zakada-fidrigu waajib ku tahay
qof walba oo muslim ah oo heli kara quutkiisa maalinta ciida iyo habeenkeeda.
Waxaysan
ku waajibin oo aan laga doonaynin zakada-fidriga Agoonta, dadka waalan,
iwm, kuwan waxaa kabixinaya hadii ay jiraan dad iyaga mas’uul
ka ah isalamarkaana u haya wax hanti ah oo ay iyagu leeyihiin, waxaa
laga weriyay in uu nebigu yiri NNDA "ka bixiya Zakada-fidriga dadka
idinku hoos nool"
Raashinka
Nooca la doonayo in
laga bixiyo Zakada-Fidriga.
Waxa
ay Bukhaari iyo muslimba qoreen iyagoo kasoo xiganaya Saciid al-khudri
in uu yiri "waxaan bixin jirnay-Zakada-fidriga-waqtigii nebiga
NNDH Suus Badar ah, ama Suus Timir ah, ama Suus Galay ah, ama Suus Zabiib
ah,......" .
Weedh
kale oo isla Isaga laga soo xigtay ayuu ku yidhi "Raashinkeenu
waaga waxa uu ahaa Galay, Zabiib, Caano la fadhiisayay, iyo Timir"
Sida
qoran waxaa ugu fadli badan in lagu gaabsado inta nooc ee raashin ah
ee lagu sheegay axaadiistii Nebiga NNDH, waxaa sidoo kale qoran iyana
in la bixin karo waxa ugu fiican ee markaa anfacaya dadka masaakiinta
ah ee ujeedaduba tahay in maalintaa laga deeqo baryada badan iyo ku
wareega xaafadaha. aqri qoowla ilaah "Ma gaaraysaan qiimaha samafalka
ilaa aad bixisaan waxa aad ugu jeceshihiin"2:91.
Jamaacad
kale oo culimada ah ayaa iyaguna qaba in lagu bixin karo zakada-fidriga
ee maalintaa wax walba oo u samaysan qaabka mirta, sida galayda, timirta,
zabiibka.iwm sidana waa tan uu qabo ibnu taymiyah..waxaanuu soo qaatay
weedhe eebbe ee oranaysa "tan sida badan aad ku quudisaan reerihiina"..wuxuu
kala jeedaa ku bixiya zakada-fidriga waxa sida badan aad quudataan ama
aad ku quudisaan reerihiina.
Halkan
waxaa laga cararayaa in ay noqdaan waxa ay dadku u bixinayaan sadaqada
wax liita iyo dhanka kale in dadka qaar wax aysan awoodin madaxa laga
saaro oo markaa ay ku cuslaato.waana sida in badan oo culimada ah ayqabaan,
waana kan ugu dhow xaga sharciga marka loo eego.
Ibnu
qayim waxa uu yiri markii u ka hadlayay arintan "tani waa sida
sawaabka ah, waana sida aan la oran waxaan iyadaa ahayn, maadaama ujeedada
ugu wayni ay tahay in masaakiinta la iska hortaago wareega iyo baryada
xaafadaha maalintaa ciida iyo weliba in loo yabooho in ay cuni doonaan
ama ay heli doonaan maalintaa sida badan waxa ay dadka magaaladaasu
quutaan. waana halka uu nebigu NNDH yiri "Ka deeqa malintaa wareega
xaafadaha iyo baryada"
Sidaasi
hadaba waa sidii ay u arkeen culimadu Naxariistii Janno allaha siiyee
laakiin waxaan shaki ku jirin in hadii la helo iyo hadii la waayaba
ay tahay maalintaa in la bixiyo waxa ugu mudan ee ay quutaan dadka Muslimiinta
ah ee degan magaalada.
Rag
badan oo culima ah ayaa iyagu ku adkaystay in ay bixinayaan un oo keliya
tii ay ku arkeen axaadiista Nebiga NNDH, sida laga so xigtay abuu saciid
RC in uu yiri anigu waxan u bixinayaa sidii aan u bixin jiray waqtigi
nebiga..Waxa uu kal jeedaa Suus un quud ah. Markii uu sidan oranayay
Saciid waxa uu arkay baa la yiraahdaa dad bixinaya Suus badhkii.
Imisaa
la bixinayaa Zakada Fidriga.
Waxay
Sugtay axaadiista nebigu NNDH in "nebigu waajibiyay Zakada fidriga
in la bixiyo Suus" Waxaa lagala jeedaa Suuskii Nebiga oo u dhigma
Afar Madaal..madaalkana waxaa lagu qiyasaa in uu ka dhigan yahay muga
labadaada gacmood oo la isu geeyay oo galay ah, ama Zabiib ah, ama Bur
ah, Iwm, Marka loo badalo dhanka kiilayntana waxaa lagu qiyaasaa 2.500Kg
Labo kiilo iyo badh, waxay kaloo culimadu qabaan wixii intaa dheer in
ay u noqonayso qofka la baxaya sadaqo hor ilaahay ah. Waana halka uu
rabigu oranayo "Qofkii sameeya wax yar oo khayr ah wuu arki"
Waqtiga
la Doonayo in La bixiyo.
Bixinta
Zakada-fidriga waxa ay leedahay laba waqti
1 - waa Waqtiga ugu fadliga badan waana laga bilaabo marka ay qoraxdu
dhacdo habeenka ciida ilaa laga gaaro waqtiga Salaada Ciida, waxaana
ugu sii hagaagsan inta u dhaxaysa Salaada subax ee Maalinta ciida ilaa
laga tukado Salaada Ciida Waana sida qoran, waxaa laga weriyay Ibnu
Cumar RC in uu yiri waxaa la faray in lala baxo inta aan la aadin salaada
ciida ka hor. Waxay hadaba halkaa ku fasiraan culimada weedhe eebbe
ee oranaysa "waxaa aflaxay qofkii la baxa Zakada, xusa maga Rabigiisa
tukadana".
Waxay culimadu halkaa ka cadaynayaan in tartiibtaa ilaahay ku waday
ay tahay in loo wadaa, ugu horayntaba in Zakada-fidriga lala baxo deetana
xagaa iyo salaadii ciida iyo xusidii eebbe loo dhaqaaqo. sidana waa
sida in badan oo culimada ah ay isku raacsan yihiin.
2
- Waqtiga ay kaa gudayso..waxaa lagu sheegaa in waqtigani uu yahay maalin
ama laba maalmood maalinta ciida kahor, waana sida uu weriyay bukhaari
"waxay ahaayeen saxaabadu kuwa siiya masaakiinta inta aan la afurin
maalin ama laba maalmood" arintaasuna waxa ay ahayd mid ay isku
raacsanayeen.
Sidoo
kale xadiiskii Cabdulaahi ibnu Cabaas ayaa sheegaya isaguna in uu nebigu
NNDH yiri "Qofkii bixiya salaada ciida ka hor waa zako la aqbalay..qofkii
bixiyase salaada ciida ka dib waa sadaqo ka mid ah sadaqooyinka maalin
walba la baxsho"Waxaa soo saaray abuu daa’uud.
Ibnu
qayim waxa uu yiri intaas oo idil waxaa laga fahmi karaa in aysan banaanayn
in laga dib dhigo waqtiga salaada ciida ka dib. waxaa lagala jeedaa
iyadiiyoo aysan jirin wax cudurdaar ah oo oo ku kalifay in uu qofku
ka dib dhigo waqtigaa Zakada-fidriga
Waxayse
raga diinta aadka u fahamsan isku raaceen in qofka lagu leeyahay zakada-fidriga
aysan oga harayn kadib dhigida uu ka dib dhigay waqtigii loogu tala
galay ee uu faray sharcigu in lagu bixiyo, balse ay tahay dayn lagu
leeyahay oo laga doonayo in uu gudo waqtigii markaa ay usuurogasho waa
salaada ka dib’e. Waxay kaloo culimadaasu qabaan in hadii uu qofku
si ula kac ah oga dib dhigo waqtigeeda Zakada-fidriga uu ku mudanayo
dembi, islamarkaana uu ku kacay fal xaaraan ah, dembigaana uusan ka
dhacayn ilaa uu bixiyo Zakadaa lagu leeyahay.
Yaa
Mudan Zakada-fidriga oo La Siinayaa
Sidii aynu soo sheegnay waxaa laga weriyay cabdulaahi ibnu cabaas RC
in uu yiri "waxa uu u waajibiyay Nebigu NNDH Zakada-fidriga, in
ay ka dahirto Qofkii bishaa Soomay wixii dembi yaryar ee ka dhacay,
iyo quudinta masaakiinta" sida ku cad xadiiska waxaa waajib ah
in lagu wareejiyo Zakadaa dadka masaakiinta ah...Sheekhii Islaamka ibnu
taymiya waxa uu yiri "ma banaana in la siiyo marka laga reebo dadka
mutay ee ay dantu u hayso[Masaakiinta].
Waxaa
banaan in reer ama qooys ay isku afgartaan in ay siiyaan Zakada-fidrigooda
Miskiin keliya, iyo in ay u qaybiyaan zakada qof keliya in kabadan miskiin
hadii ay jirto dhibaato daran oo arintaa keentay.
Ma
La Bixin Karaa Qiimaha Zakada Fidriga
Sida
qoran ama ku cad sharciga Ma banaana in labixiyo qiimaha Zakada-fidriga"halkii
laga bixinlahaa iyadiiyoo midho ah" Maxaa yeelay hadii ay taasi
jid tahay waxaa inoo sheegi lahaa Suubanoow nebigeenii maxaa yeelay
xaga sharciga way adag tahay in la dib dhigo ka jawaabida baahi taagan[tani
macnaheeda waxaa weeye hadii ay jid ahaan lahayd suubanuhu wuu cadayn
lahaa ]
Ilaa
iyo hada waxaan la ogayn qof ka mid ah saxaabadii nebiga NNDH oo bixiyay
Zakadii-fidriga oo lacag ah, iyadoo ay taasi suurta gal ahayd waqtigaa
isaga ah, iyagayna ahaayeen kuwii ugu aqoonta badnaa marka laga hadlayo
arinta ku jeeda sharciga iyo ku dhaqan kiisa, sidoo kale waxaa ku bedelka
qiimahaasu wixii si muuqda loo bixin lahaa ee midhaha ahaa ay qarinaysaa
ama hoos u dhigaysaa muujinta tilmaamahaa waawayn ee lagu aqoonsan lahaa
rabigga wayn, iyo dadkiiyoo markaa si fudud u ilooba aqoontii iyo axkaamta
ay leedahay Zakada-fadriga.
Imaam
Axmad Wuxuu yiri: la ma bixin karo qiimaha Zakada-fidriga, markaasaa
lagu yiri dad baa waxay leeyihiin Cumar ibnu cabdulcaziiz ayaa qaadi
jiray qiimaha...Imaamku waxa uu ku jawaabay waxaa ay dadku ka tagayaan
Odhaahda suubanoow nebigeenii..waxayna oranayaan hebel baa yiri..iyadoo
goor hore uu ibnu cumar yiri Suubanoow Nebigeenii NNDH ayaa waajibiyay
Zakada-fidriga.
Waxaa
hadaba inoo cadaatay in qiimaha oo lagu badalo wixii la bixin lahaa
oo quut ah aysan banaanayn iyo weliba in ay tahay jebinta qoowlkii nebigeena
NNDH..hadii markaa ay qaar raga culimada ahi ku waramaan in la bixin
karo qiimaha Zakada-fidriga, waxa un muuqda ee hortayada ka cad ayaa
iyadna ah in la qaato qoowlkii nebiga NNDH.
Ibnu
Cabaas baa laga wariyay in uu yir "waxaa laga yaaba in la idiin
kaga so dejiyo dhagxan xaga sare ee cidhka..waxaan idin ku oranayaa
rasuulku waxa uu yiri..adinkuna waxad oranaysaan abuukar iyo cumar waxay
yiraahdeen!!
Ma
u diri karaa Zaka-bixiyuhu
Zakada Magaalo kale
Sida
asalka ah waxaa weeye in qofka Zakada bixinayaa uu siyo dadka masaakiinta
ah ee ku nool halka uu degan yahay ee uu joogay waqtigiii ay zakadu
ku waajibtay,sida la ogsoon yahayna waxa ay waajibtaa zakada marka ay
qoraxdu dhacdo ilaa iyo inta laga tukanayo salaada Ciida...waxaa markaa
dhici karta hadii loo raro ama loo qaado magaalo kale in ay waqtiga
ka dib dhacdo.
Sida
qoran kama aysan sugnaanin Nebigii NNDH iyo qof saxaabada ka mid ah
toona in ay u rareen ama u qaadeen dad kale o degan magaalo kale tan
oo aan ahayn halkii ay deganaayeen, tani hadaba waxaa ay qayb ka tahay
dhaqamada aan fiicnay ee diinta lagu soo daray beryahaan dambe, tan
oo mudan in looga digo dhamaan bulshada muslimka ah.
Waxaa
hadaba taa ka duwan in uu Zaka-bixiyuhu yiraahdo dad kale oo magaalo
kale jooga wakiil baad iigaga tihiin zakadayda adinkaana bixinaya oo
xagiina ka dhiibaya, tani waa ay ka duwan tahay tii aynu ka soo hadalnay
waana ay banaantahay marka loo eego sharciga.
Waxaan
u rajaynayaa hadaan nahay Bahda SomaliTalk dhamaan dadwaynaha muslimka
ah ee ku nool dunida iyo bulshada Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan
in ay sanadkan sanadkiisa ku gaaraan bashbash iyo barwaqo iyo cimrigooda
oo cibaado suuban lagu ladhay, ifka hibo ku noolaada aakhirana halkii
roon. Wasalaama Calaykum.
Sheriff Osman
Somaliroots
Alfaproduction@yahoo.com