| Somaliroots | Kiplaget “Haddii aan 18-June ku dhawaaqi weyno madaxweyne waxaan caalamka u sheegnay been, waxaanse ka baqayaa in habeenkaas ay naxdin u dhintaan kooxo shirka u moodo dhalanteed” Kiplaget “Haddii aan 18-June ku dhawaaqi weyno madaxweyne waxaan
caalamka u sheegnay been, waxaanse ka baqayaa in habeenkaas ay naxdin
u dhintaan kooxo shirka u moodo dhalanteed” Gudoomiyaha guddiga
farsamada IGAD Pathweul Kiblaget ayaa markii ugu horeysay shaaca ka
qaaday in 18 June 12-ka Habeenimo Soomaliya ay yeelan doonto dowlad
federal ah ka dib marka habeenkaas si kama dambeys ah loo caleemo saaro
madaxweynaha hogaaminayo Soomaliya. Kibalaget ayaa hadalkaan jeediyay
ka dib markii uu shir saacado qaatay la yeeshay ergooyinka Soomaalida
oo ay hormoodka ka ahaayeen xubnaha metelayayay ganacsatadda Soomaaliyeed.
ergaga Kenya ay u xilsaartay arrimaha Soomaaliya wuxuu sheegay in ay
jiraan kooxo carqalad ku ah shirka kuwaas oo uu sheegay in si rasmi
ah talaabo looga qaadi doono marka la soo gabagabeeyo shirka haddii
aysan shirka uga soo qeybgelin si sharuud la’aan ah, wuxuuna Kiblaget
si rasmiya u soo qaatay hogaamiyayaal u soo diray qoraalo ay ku sheeganayaan
sharuudo wuxuuna arrintaas uu ka yiri “Waxaan jeclaan lahaa in
ay jiifka ka toosaan maxaa yeelay arrimaha Soomaaliya ma ahan maanta
xilligii lagu jowrfali jiray ee waxaa hor kaci doonto awood aan aqoonin
kooxo si gaara isu mahadiyay” ayuu yiri Kiplaget wuxuuna baaq
u jeediyay ganacsatadda oo uu ka codsaday in ay gacan ka geeystaan horumarinta
dalkoodda Kiblaget wuxuu si caroleh u yiri “haddii aan 18-June
ku dhawaaqi weyno waxaan caalamka u sheegnay been, waxaan se ka baaqayaa
in habeenkaas ay naxdin u dhintaan kooxo shirka u moodo dhalanteed,
hadalka Kiblaget ayaa u muuqday mid awood dheer tiigsanayo ,wuxuuna
ku soo aaday xilli ay shirka ku soo qulqulayaan saraakiil ka socoto
dalka Mareykanka oo aan xaqiiq rasmiya laga bixin socdaalkoodda wuxuu
quseeyo. |
Alfaproduction |